Wararka Telefishanka Qaranka oo afar saacadood hore loo soo dhigay

0
597

Warka Telefishanka Qaranka ayaa tebintiisa maalinimo soo geli doontaa 12:00 Duhurnimo, halka uu markii hore soo geli jiray 4:00pm galabnimo, sida uu maanta shaaca ka qaaday Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Jamhuuriyada Somaliland Md. Saleeban Yusuf Cali Koore.

Wasiirka ayaa sheegay in talaabadan looga gol leeyahay in shacbiga goor ku haboon la gaadhsiiyo xogta maalinlaha ah ee Telefishanku baahiyo, tayada wararkana kor loo qaadi doono.

Wasiirka ayaa sidaasi ka sheegay shir-jaraa’id oo ay goob-joog ka ahaayeen agaasimaha guud ee Wasaaradda, Agaasimaha Telefishanka Qaranka iyo saraakiisha qaybta Wararka telefishanka.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

Leave a Reply