Muslimiinta Dalka Shiinaha Oo Si Khasab Ah Uga Shaqeeya Warshado Shisheeye

0
635

Shinaha (Dawan)- Kumannaan qof oo ka tirsan Muslimiinta laga tirada badan yahay ee Uighur ayaa ku shaqeeya duruufo adag, iyaga oo lagu khasbay in ay ka shaqeeyaan warshadaha alaabaha u sameeya shirkadaha ugu caansan caalamka, sida lagu sheegay warbixin cusub oo haatan la soo saaray.

Machadka daraasaadka Siyaasadda iyo Istaraatiijiyada ee dalka Australia ee magaciisa loo soo gaabiyo ASPI ayaa sheegay in arrintani ay tahay wejiga labaad ee “dib wax-u-barista” dadka Uighur-ka ee dalkaasi Shiinaha.

Dowladda Shiinaha ayaa in muddo ah ku dhawaad hal milyan oo qof oo ka tirsan qowmiyadda Uighur ku haysay xeryo dadka lagu xiro, halkaasi oo lagu ciqaabo isla markaana lagu dhaqan doorinayo.

Saraakiisha dalkaasi Shiinaha ayaa sheegaya in xeryahani loogu talagalay in looga hortago afkaarta xag-jirnimada.

Warbixinta ASPI ayaa timid ka dib markii sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Shiinaha uu bishii Diseembar ee sanadkii hore warbaahinta u sheegay in dadka qowmiyaddaasi laga tirada badan yahay ee xeryahani ku jira ay hadda “qalin jebiyeen”.

Warbixinta ASPI waxaa lagu sheegay in intii u dhaxaysay sanaddadii 2017 iyo 2019, qiyaastii in kabadan 80,000 oo qof oo ka tirsan Muslimiinta Uighur laga qaaday gobolka fog ee ismaamulka Xinjiang, si ay uga shaqeeyaan warshadaha ku yaal guud ahaan dalkaasi Shiinaha. Machadka ASPI ayaa sheegtay in dadkani qaarkood si toos ah looga qaaday xeryaha lagu hayay ee ku yaal gobolkaasi Xinjiang.

Warbixintani ayaa sheegtay in ay “aad ugu adag tahay” dadkani Uighur-ka ahi in ay diidaan ama ka baxsadaan shaqooyinkaasi lagu khasbay, maadaama ay jirto hanjabaad ah in la xiri doono.

Waxay intaa ku dartay in ay jiraan caddeymo muujinaya in dowladda gobolka Xinjiang ay dowladaha hoose ee dalkaasi Shiinaha iyo shirkado dillaal ah oo gaarka loo leeyahay lacag ku siinayso qof kastaa oo shaqo lagu khasbo, arrintaa oo machadkani ASPI uu ku tilmaamay “wajiga cusub ee dowladda Shiinaha ay ku cabburinayso dadka qowmiyadda Uighur-ka.

Nathan Ruser oo ka mid ah dadka warbixintan soo saray ayaa BBC-da u sheegay in xogta ay hayaan ay muujinayso in dadkani dhaqaale ahaan laga macaasho.

Wararka sheegaya in xeryo lagu hayo dadka qowmiyaddani ay dowladda Shiinaha ka dhistay gobolka Xinjiang ayaa markii ugu horreysay soo baxay sanadkii 2018. Masuuliyiinta dalkaasi Shiinaha ayaa sheegayay in “xarumaha tababarrada dhanka farsamada” loo adeegsanayo la dagaallanka afkaarta xag-jirnimada diimeed.

Balse waxaa jiray caddaymo muujinayay in dad badan loo xiray oo kaliya sababo la xiriira in ay gudanayeen waajibaadkooga diiniga ahi, sida in tukashada salaadda, xirashada xijaabka ama xitaa in ay xiriir la leeyihiin waddanka Turkiga.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply