Muhiim ma aha in aynu dheg u dhigno weedhaha dadka qaarkood, gaar ahaan marka hadalku yahay mid aan sal iyo raad toona lahayn oo been abuur ah.
Haduu qof igu yidhaahdo dibjir baad tahay uma jawaabo maxaa yeeley waxaan ogahey in aanan ahayn, haduu qof igu yidhaahdo beenaalaad tahay markaaba dib ayaan nafteyda ugu noqdaa markaan ogaado in aanan ahayn uma jawaabo maxaa yeeley si dhaba ayaan naftayda ugu kalsoonahey.
Waxba ha ka damqan hadalka taban Mid ka mida dadkii hore ee wanaagsanaa ayaa masaajid soo galay, nin dadkii masaajidka hurday ka mid ah ayuu lugtiisa taabtay ka dibna wuu kacay isagoo cadhaysan oo inta uu booday oo samada ka qayliyay ayuu yidhi : “Ma Dameer baad tahay, waa ku side xageed noo jiidhay ?”
Wuxuuna ninkii wanaagsanaa ugu jawaabay: Maya keliya ( Miihi Dameer) Qaar ka mid ah dadkii Masaajidka ku sugnaa ayaa cadhooday oo damcey inay garaacaan ninkii aflaagadada sameeyay, Xakiimkii wanaagsana wuxuuna ku yidhi: “ iskaga daaya, ninku wax kale imuu weydiine wuxuu igu yidhi ma dameer ayaad tahay aniguna waxaan ugu jawaabey Maya dhibaatana ma jirto. Sidaasi ayuu qofka caqliga badani labada cadho ee burburka keenaya u bakhtiiya. Waxay ina tusaysaa in qof keliya uu damin karo xumaan dhib badan keeni lahayd.
Haddaba maxaa akhriste kugu kalifaya inaad ahmiyad siiso oo ka damqato hadlo aan mudnayn in wakhti la siiyo? Xakiimka caqliga badani dan kama galo weedhaha habowga ah. Quruxda qofkuna waa xikmada iyo sida uu nolosha uga dhigo mid fudud.