Isuduwaha Wasaaradda Ilaalinta Deegaanka iyo horumarinta reer-guuraaga Gobolka Gabilay oo ka warantay dagaal ay kula jiraan Xaalufinta deegaanka iyo Dhuxulaysiga…
Qore: Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale)
Hargeysa(Dawan)-Wasaaradda Deegaanka iyo horumarinta reer Guuraaga Gobolka Gabiley, ayaa dagaal kula jirta kooxo faro-baas ku haya xaalufinta Deegaanka oo isugu jira Dhuxulaysato iyo Jaadleyaal caadaystay in ay dhalinyarada ku dhiiri-geliyaan gumaadka dhirta, kuwaasoo ay Dhuxusha kaga bedeshaan Jaadka oo ay ugu geeyaan meelaha ay dhirta ka gubaan.
Isuduwaha Wasaaradda horumarinta reer guuraaga iyo Deegaanka ee Gobolka Gabiley Fadxiya Yuusuf Ciise oo Salaasadii todobaadkan warbixin la xidhiidha xaalada deegaanka ee Gobolkaasi ka jeedisay shir uu maamulka Gobolku la yeeshay Isuduwayaasha Wasaaraddaha, ayaa kaddib shirkaasi waraysi uu khadka telefoonka kula yeeshay Wargeyska Dawan ku sheegtay in ay muddooyinkan dambe labanlaabeen dedaal ay ugu jiraan sidii ay u joojin lahaayeen dhibaatada dhuxulaysigu ku hayaan deegaanka.
Isuduwaha, ayaa tilmaantay in dhalinyarada qoysaskoodu ku caydhoobeen abaarihii dalka ka dhacay sanadihii la soo dhaafay ku jeesteen Shidista Dhuxusha si’ ay quutal-yoom iyo nolol uga raadsadaan , taasoo ay ku dhiiri-geliyeen sida ay xustay Dad iyagu ka baayac-mushtareeya Dhuxusha oo ugu taga daabiyadaha iyo meelaha geedlayda ah ee Dhuxusha laga shido, arrintaasoo sii kordhisay xaalufkii lagu hayey deegaanka.
Abaarihii Gobolka ku habsaday sanadihii 2016 ilaa 2018-ka, ayaa si weyn u kala-dhantaalay nololsha in ku dhow hal milyan oo Qoys oo reer guuraa xoolo-dhaqato ah, kuwaasoo markii ay ka baxeen xoollihii ay dhaqanayeen u baro-kacay magaalooyinka waaweyn iyo tuulooyinka gobolada qaar, halka kuwo kalena ay wali baaqi ku sii yihiin dhulka xoolo daaqeenka ah, iyagoo aan haysan xoollo ku filan, oo ay u dheertahay isbedel dhaqan oo ku yimi nololshooda.
“Dhalinyaradii markii ay xoollihii ka baxeen waxay ku jeesteen dhirtii oo ay dhuxul ka shidayaan, markaa gobolka meelaha ay arrintaasi ka jirto waanu tagnaa oo intaa waanu dhex soconaa oo wacyi-gelin iyo si kasta oo aanu wax kaga qaban karno waanu ka fulinaa”ayey u sheegtay Dawan Isuduwe Fadxiya oo intaasi raacisay “Waa howl baaxadle, laakiinse intaa dedaal naguma yara.
“waxa jira qaadleyaal Dhuxusha ku soo bedesha qaadka oo dadka dhex qaaday oo meel walba tegaya dhalinyaradii Jaad kaga soo bedelanaya dhuxusha ay shidaan iyo dumar Jeeblayaal ah oo macaal gaadhiyaal wata oo meelaha dhuxusha laga shido tegaya, markaa kuwaana wax badan waanu ka qabanay”.
“meelaha dhuxusha laga shidaa waa dhulka geedka sogsogtu ka baxo ee Qadowga ah”ayuu tidhi Isuduwuhu, iyadoo dhinaca kalena u mahad-naqday Ciidanka Booliska ee Gobolka Gabiley oo ay tilmaantay in ay si hagar la’aan ah ula shaqeeyaan xafiiskeeda.
Geesta kale, waxa uu isuduwuhu faahfaahin ka bixiyey halka uu kiiskoodu ku dambeeyey Gaadiidley bishii Janaury lagu qabtay magaalada Tog-wajaale, iyagoo shixnad dhuxul ah oo ay qaadeen Somaliland u gudbinaya dalka Itoobiya, waxaanay sheegtay in Gawaadhidaasi oo ay tiradoodu ahayd 13 Ragii watay, xukun Ganaax Maxkamaddu ku riday, islamarkaana laga saxeexay qoraal balanqaad ah.
“Nimankaas waa la ganaaxay, waxaana laga qoray waraaqo ay ku balanqaadeen in aanay mar dambe ku noqonin dhoofinta Dhuxusha. Dhuxushii ay sideenna waa laga rogay. waxa kale oo jiray gaadhi kale oo aanu ku qabanay isagoo Dhuxul iyo Maandooriye Khamri ah u wada Boorama, isagana talaabo ayaanu ka qaadnay”
Gaadiidkan ayey sheegtay inay Dhuxusha ka soo rarreen Koonfurta gobolka Maroodi-jeex iyo sidoo kale gobolka Hawd, magaalada wajaale-na looga gudbinayey dhanka Itoobiya.. “way dhici kartaa in meelo kale oo xuduudka ah si tuuggo ah looga tahriibiyo ama Keeryoon iyo Gaadhi dameer inta lagu qaado lagu talaabiyo”.
Marwo Fadxiya oo aanu waydiinay inay la-dagaalanka tahriibinta Dhuxusha wax xidhiidh ah kala sameeyeen Dawladda Itoobiya, gaar ahaan Maamulka Dawlad-deegaanka gobolka Soomaalida, waxa ay sheegtay inay ku talo-jiraan arrintaasi, iyagoo kaashanaya masuuliyiinta Wasaaradda ee heer Wasiir iyo xukuumaddeed.
Wasaaradda Deegaanka iyo horumarinta reer guuraaga, ayaa sanadihii u dambeeyey ku howlanayd qorsheyaal kor loogu qaadayo ilaalinta Deegaanka, iyada oo dedaalladaasi ay kamid tahay dardar-gelin lagu sameeyey Xafiisyada Gobolada oo dhanka gaadiidka aad looga xoojiyey.
Si kastaba ha ahaatee, mushkilada ay bulshada reer guuraaga ah u waariddaan shirkaddaha yar yar ee diglaha ku geeya jaadka meelaha ka baxsan magaallooyinka waaweyn kuma koobna gobol iyo deegaan toona, balse waa dhibaato taxan daabiyad kasta iyo deegaan walba oo kamida dalka.
Sidaas-darteed, waa arrin u baahan qorshe qaran oo wax lagaga qabanayo cidhib-xumada dhinac walba leh ee ay dadka jaadka ka ganacsadaa miyiga iyo magaaladaba ku baabiiyaan.