Midowga Afrika oo shaaciyay Dalalka uu Saameeyay Caabuqa Coronavirus

0
476

Ururka Midowga Afrika ayaa shaaciyey tirada rasmiga ah Dalalka Afrika ee uu gaaray caabuqa Coronavirus oo ka soo billowday Dalka Shiinaha, War-saxaafadeed kasoo baxay Ururka Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in kiisas la xidhiidha cudurkaasi Covid-19 laga helay Waddamada Algeria, Nigeria, Egypt, Morocco, Senegal iyo Tunusia.

Midowga Afrika ayaa sidoo kale ku baaqay in la muujiyo feejignaan dheeri ah, si looga hortago in cudurka uu u sii gudbo Dalalka kale ee Qaaradda, Coronavirus oo hadda si weyn ugu sii fidaya Dunida ayaa waxaa u dhintay Dad badan, kuwaas oo badi ku noolaa Waddanka Shiinaha oo uu caabuqaan ka soo billowday.

Leave a Reply