Xukuumadda oo Xadhigga ka Jartay Saldhig Cusub oo Casriya

0
484

Fara-weyn-(Dawan)-Wasiir ku xigeenada Wasaaraddaha arrimaha gudaha , Xanuunada Xoolaha iyo Kalluumaysiga , Guddoomiyaha gobolka Maroodijeex iyo Taliyaha guud ee Ciidanka Booliska Somaliland ayaa si wada jir ah xadhiga uga jaray saldhiga Cusub laga dhisay degmada Fara-weyne ee gobolka Maroodjeex.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland , Naasir Caydiid Cabdi ayaa sheegay in ciidanku ay saldhiga u xusheen goob ku haboonayd , una baahnayd “ boolisku gurigan ay dhiseen waa koodi waana sababta ay dhismaha u adkeeyeen , marka aad argato saldhigyada waa ay wada dildilaacsan yihiin laakiin kani(Saldhigu) wuxuu noqonayaa mid muddo dheer dhisnaayaya haddii ALLE idmo” ayuu yidhi

 

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga , Marwo Yurub Abiib Cabdi oo madasha ka hadashay ayaa tidhi “ Ninba meel ayuu igana difaaca oo Mellateriga Xuduuda ayey inaga difaacan gudahana booliska ayaa inaga difaaca oo qabqabta, kuwa mandooriyayaasha keena, dadka xun iyo kuwa nacabka ku ah qaranka , Madaxda booliska waxa aan ku bogaadinayaa dhismaha saldhiga Cusub”

 

Taliyaha guud ee Ciidanka Booliska Somaliland , Sareeya Guuto Maxamed Aadan Sanqadhi (Dabagale) ayaa ciidanka booliska usoo jeediyey in ay ku dhaqmaan sharciga dalka u yaala , waxaanu ka warbixiyey dhismaha saldhiga Cusub ee ay ka dhiseen Degmada Fara-weyne ee gobolka Maroodi-jeex “ Waa saldhig aad u weyn , lixdan ilaa konton mitir ayuu dayrkiisu ka kooban yahay  , gudihiisa haddii laysku wareejiyana laba boqol iyo dheeraad noqonaaya oo mitir , waxaanu ka kooban yahay todoba qol oo la mid ka mid ah ay yihiin xasbi loogu talo galay in dumarka mid lagu xidho midna ragga “ ayuu yidhi

 

Taliyuhu waxa uu sido kale ugu baaqay in ciidanku sharciga dalka u yaal ilaaliyaan waxaanu shacabka usoo jeediyey in ay laamaha ammaanka la shaqeeyaan .

Leave a Reply