Waddan Dumarka Karantiimeeya!

0
684

Caadooyinka iyo dhaqamada ka jira dalka Nepal ayaa ah kuwo yaab leh. Dalkaasi waxa ka jira cadaadiska ugu xun ee ay ku hayaan dumarkooda.

Dalkan oo ku yaalla koonfur bari Aasiya waxa tirada dadkiisa lagu qiyaasay 26 milyan iyadoo 81% ay haystaan Hinduusim, 9% ay yihiin Budisam, iyadoo islaamkuna uu yahay 4%, Kiristaankuna 1.4% , inta soo hadhayna waxay isugu jiraan kuwo aan diin haysan iyo kuwo haysta diimo kale.

Dalkan waxa ka jira is adoonsiga, caruurta yaryar waxa lagu iiban kar da’da u dhaxaysa 5-15. Dadka laga iibiyo ayaa ula dhaqma sida adoomo iyagoo 14-15 saac maalintii sheqeeya taasi oo ay u dheer tahay garaacid iyo hurdo yaraan.

Waxa kale dalkan ciqaab kariintiimayn ah ku  hayaan dumarkooda waxaan ay wakhtiga caadada, ka fogeeyaan guriga isla markaana waxay geeyaan cariish ka fog oo looga dhisay meel cidla ah. Mudadaasi looma ogola inay dadka soo dhex gasho iyo inay taabato raga iyo Lo’ada. Waxaana ay aaminsan yihiin haddii ay Lo’da taabto in aan caano laga helayn oo barakado ka tegayso ama masiibo dhacayso. Wakhtiga ay karantiimada ku jirto cidlaa ayay ku noolaanaysa iyadoo loo ogol yahay raashin yar oo gaar ah , mana imanayso gurigeeda iyo xataa meelaha raga iyo Lo’du ka dhow yihiin.

Mudadaasi marka ay ka dhamaato waxa ay tegaysa webi aad uga fog oo ay u lugaynayso kaasi oo ay ku soo maydhanayso , wakhtigaasi ka dib ayay guriga ku soo noqonaysaa. Waxaana ay sidan u sameeyaan iyagoo aaminsan in Dumarku aanay nadiifa ahayn oo ay wasakhaysan yihiin.

Arrimaha cadaadiskan ee khariban kuwa sheegta xuquuqda Dumarka kama hadlaan waxaa laga soo qaada inay tahay dhaqan iyo caado ay bulsho leedahay.

Leave a Reply