Taariikhda Badda Iyo Markabkii La Waayay

0
675

Mashruuca Balck Swan waxa loogu magac daray soo saaridda markabka degay sanadkii 1804.  Markabkan oo laga lahaa dalka Spein waxa uu ahaa Markab xamuul ah, waxaana dejiyay markaabiita dawladda Ingiriiska isagoo maraya biyaha dalka Boortiqiiska.

Markabkan waxa biyaha hoose ee dalka Bortiqiiska ka helay maraakiib Maraykan bishii May 18, sanadkii 2007, wakhtigaasi oo hantida saarani ay ahayd dahab aan isbedelin.  Dahabkaasi ayaa qiimo ahaan dhama 500 milyan doller, ama (£314 million).  Markabkan waxa loo jiiday meel amaan ah oo ah Folorida oo dalka Maraykana ah. Waxaana la baahiyay in la soo saaray Markab wakhti hore degay oo siday 17 ton oo ah Dahab, Silver iyo lacago qadaadiic oo wakhti hore la isticmaali jiray, laakiin lama sheegin dalka iyo taariikhda lacagtaasi.

Laakiin dawladdii Spein ayaa markii ay ogaatay dacwad u gudbisay maxkamadaha Maraykanka iyadoo ku dacwootay inay Markabkaasi iyadu lahayd , hantida saaran ay leedahay, isla markaana ay doonayso in loo soo celiyo.

Dacawadda ayaa martay heerarkeedii kala duwaan iyadoo maxkamadaha Maraykanka qaarkood diideen dacwadda Spain, haddana ugu danbaystii waxa loo xukumay bishii Feberweri 27, sanadkii 2012 in hantida dahabka iyo silverka ee markabkaasi saran dib loogu celiyo dalka Spain, qadaadiicda lacagta qadiimka ahna la dhihgo matxafka qaranka.

Leave a Reply