Madaxweynaha DDS Itoobiya Oo Booqasho Ku Tegay Goday

0
515

Goday (Dawan): Madaxweynaha dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Cagjar, ayaa sheegay in xukuumadiisu mashaariic horumarineed oo kala duwan ay ka waddo  gobolka Shabeele.

Mashaariicdaasi oo qaarkoodna dhamaadeen qaarna ay weli socdaan isugu jira dhinacyadda waddooyinka, xarumo caafimaad, beerista Qamadiga iyo  qaar kaloo badan.

Musatafe Maxamed Cagjar,  oo wefti uu hogaaminayo  ay maanta gaadheen  magaaladda Goday ee gobolka Shabeele, ayaa hadal u jeediyay kumanaan dadweyne ah oo isugu soo baxay garoonka Kubbadda cagta ee magaaladda Goday,

U jeedadda safarka weftiga uu hogaaminayaa  xanbaarsan yahay  u jeedooyin is huwan oo ay  ka mid tahay  sidii madaxweynaha iyo weftigiisu ay uga qayb geli lahaayeen banaan baxyo lagu taageerayo is-bedeladii ka dhacay deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Soo kormeerida mashaariicda horumarineed ee dawladiisu ka waddo degaamadaasi iyo  sidoo kale taageerro loo muujinayo xisbiga siyaasadeed ee PP oo uu hogaamiyo ra’iisal wasaaraha Itoobiya.

Madaxweyne Mustafe Cagjar, ayaa hadal u jeediyay kumanaan dadweyne ah oo isugu soo baxay garoonka Kubbadda cagta ee magaaladda Goday, ayaa ka waramay mashaariicda horumarineed ee xukuumadiisu ka fulisay iyo kuwa weli socda ee  degaamadda gobolka Shabeele hoos yimaadda.

“Mashaariicda horumarineed ee gobolkan laga qabtay waxaa ugu horeeya 72 kun oo Hectare, oo ka mid ahaa dhulkii shisheeyaha la siiyay, ee laga qaaday  shacabka deegaanka oo dib loogu soo celiyay” ayuu yidhi Musatfe Cagjar.

Waxa kaloo uu sheegay madaxweynaha dawlad degaanku  sheegay in ay jiraan mashaariic kaloo  isugu jira waddooyin iyo xarumo caafimaad. Mashaariicdaasi ayuu sheegay in uu ka mid yahay 200 oo Hectare oo laga beeray Qamadi, kaasoo imika soo goay una baahan in la suuq geeyo.

Waxaanu yidhi, “Waxaa jira wadooyin ilaa 10 KM gaadhaya, oo Laami ah oo dhismahoodda la bilaabay. Sanadka danbe-na in kuwo kale lagu darro ayaan rejaynaynaa miisaaniyadda.

Mashruuca biyo gelinta magaaladda Goday, oo ay ku baxayso lacag ka badan 450 kun oo milyan oo Birta Itoobiya ah, meel fiican ayuu marayaa. Guryo-wadareedyadda 73-ka guri ah, iyagana in la sii kordhiyo ayaan rejaynaynaa.

Dhismaha terminal-ka garoonka diyaaradaha Goday, oo qandaraaskiisii dhamaaday, lana filayo in maalmaha soo socda dhismihiisa la bilaabo.

Mashruuca tijaabadda Qamadiga, oo 200 oo Hectare ah waa la soo saaray. Laakiin, wuxuu u baahan yahay in laga hawl-gallo sidii suuq gayn loogu samayn lahaa, taana xukuumadu way ka hawl-gelaysaa”.

Geesta kale madaxweyne Cagjar, waxa uu ka sheekeeyay mashaariic la filayo in dhawaan laga fuliyo Goday oo isugu jira waddooyin iyo hirgelinta xarumo caafimaad.

Waxaana ka mida dhismaha waddo isku xidhaysa magaalooyinka Qalaafe, Mustaxiil iyo Goday iyo dhismaha waddo ka imanaysa dhinaca degaanka Oromiya soona maraysa magaaladda Goday.

“Wadooyinka Goday, Qalaafe iyo Mustaxiil isku xidhaysa waa la bilaabayaa, qandaraasyadiina waa la bixiyay.  Waxa kaloo iyadna meel fiican maraysa oo tartankeedii la soo dhejiyay, waddadii isku xidhaysay Goday iyo Har-geelle.

Waxa kaloo imika daraasaadkeedii la dhamaystiray waddo ka imanaysa Gindir, oo degaanka Oromiya ah, oo soo maraysa Iimay, soona gaadhaysa magaaladdan Goday. Waxaa socda mashruuca balaadhinta cusbitaalka magaaladan Goday, oo aan ku ekaan doonin balaadhin, balse noqon doona casriyay, qalabayn iyo shaqaalaheedii in la keenno”ayuu yidhi Cagjar.

Dhinaca kale madaxweyne Mustafe Cagjar, waxa uu sheegay in ay jiraan mashaariic kaloo fara badan oo ka socda degaamadda hoos yimaadda gobolka Shabeelle.

 

 

Dawannews.com/Hargaysa Somaliland.

Leave a Reply