Dawlada Sucuudiga Oo Xubno Ka Tirsan Boqortooyada Sucuudiga Xabsiga U Taxaabay

0
485

Riyaad (Dawan)- Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa Xabsiga Dhigtay laba xubnood oo sare oo ka tirsan qoyska boqortooyada – kuwaas oo kala ah Amiir Ahmed bin Abdulaziz, oo la dhashay boqor Salmaan, iyo Mohammed bin Nayef, oo ah wiilka uu adeerka u yahay boqorku.

Wargeyska The Wall Street Journal oo warbixin ka qoray arinta  xadhiga labadan xubnood ee Reer Boqor ayaa sheegay in xadhigooda lala xidhiidhiyey isku day afgambi, hayeeshee Ma jiro  wax war ah oo ka soo baxay dowladda Sacuudiga.

Xubnaha la xidhay ayaa la sheegay in ay saamayn xoog leh ku leeyihiin boqortooyada, iyadoona xadhigooda la sheegay in uu gacan ku leeyahay dhaxal sugaha boqortooyada Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan.

Sanadkii 2017-kii ayay ahayd markii tobonaan ka mid ah xubnaha ugu cad-cad boqortooyada oo ay ku jireen wasiirro iyo ganacsato lagu xidhay Hotel ku yaalla magaalada Riyad ee dalka Sucuudiga, kadib amar kasoo baxay dhaxal suge Maxamed Bin Salmaan.

Sagal Filibiin

Dawannews Hargeysa office

 

Leave a Reply