Turkiga Iyo Ruushka Oo Heshiis Ka Gaadhay Xaalada Idlib

0
497

Ruushka iyo Turkiga ayaa heshiis xabbad joojin ka gaadhay xiisaddi ka taagneyd gobolka Idlib ee dalka Suuriya.

Heshiiska xabbad joojinta oo dhaqangalkiisa uu billaabmayay saqdi dhexe xalay xilliga dalka Suuriya wuxuu ka dhaqan galayaa Gobolka waqooyiga galbeed ee Suuriya ku yaalla ee Idlib ee ay xasaraadda ka taagneyd.

Madaxweynaha Turkiga ReceRuushka iyo Turkiga ayaa heshiis xabbad joojin ka gaaray xiisadda ka taagneyd gobolka Idlib ee dalka Suuriya.

Heshiiska xabbad joojinta oo dhaqangalkiisa uu billaabmaya saqdi dhexe xalay xilliga dalka Suuriya wuxuu ka dhaqan galayaa Gobolka waqooyiga galbeed ee Suuriya ku yaalla ee Idlib ee ay xasaraadda ka taagneyd.

Bishi la soo dhaafay ayay 36 askari oo Turki ah ay ku dileen weerar ay dowladda Suuriya ku soo qaadday Ruushkana uu gacan ka siinayey.

Dhacdadaasi ayaa ka dhalatay cabsi ah inuu dagaal ay ka dhex abuurto Turkiga iyo Ruushka.

Haddaba heshiiska ay gaareen Ruushka iyo Turkiga ayaa la shaaciyey wadahadal lix saacadood oo xiriir ah Moscow ku dhex maray Madaxweyne Putin iyo Madaxweyne Erdogan.

Heshiiska ay Turkiga iyo Ruushku gaareen ayaana ka kooban Xabbad joojin xalay saqdi dhexe billaabatay, dhulka 6km Koonfurta Idlib ka xiga ee isku xira magaalooyinka Xalab iyo Latakiya oo ay dowladda Suuriya gacanta ku hayso iyo laga billaabo 15-ka March ay Ruushka iyo Turkiga ay wada billaabaan ilaala wada jir ah oo ay ka sameeyaan dhulka ay xiisaddu ka taagan tahay.

Madaxweyne Erdogan oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay heshiiska xabbad joojinta inuu dhaqan galayo saqda dhexe xilliga dalka Suuriya, isaga oo ka digay weerarra kale haddii ay uga yimaaddaan dhinaca Suuriya jawaabta ku habboon inuu dalkiisa ka bixinayo: “12-ka saqda dhexe ee caawa heshiiska xabbad joojinta aya dhaqan galaya, inta lagu guda jiro marxaladda xabbad joojintana “Turkiga wuxuu xaq iyo awoodba u leeyahay weerar kasta oo uga yimaaddo xoogagga Madaxweyne Bashaar al-Asad inuu jawaab ka bixiyo.”

Madaxweynaha Ruushka Vladmir Putin wuxuu isna sheegay heshiiska xabbad joojinta eela gaaray inuu ka rajeeynayo inuu dagaalka soo afjaro.

“Waxaan rajeenayaa heshiiskan inuu gundhig wanaagsan uu u noqonayo soo afjaridda colaadda ka taagan aagga xabbadu ka caaggan ee Idlib, inuu soo afjaro dhibka dagaallada ka soo gaaray qoxootiga faraha badan ee halkaasi ku sugan, iyo wax ka qabashada arrimaha bani aadaminimada, isla-markaana loo abuuro xaalad suura gelin karta in la sii wado howlaha nabadeynta Jamhuuriyadda carbeed ee Suuriya iyo dhammaan dhinacyada ay colaadda ka dhaxeyso”ayuu yiri Putin.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply