Golaha Guurtidda oo Durduro ku Meel-mariyey Wax-ka-badelka iyo Kaabista lagu Sameeyey Xeerka Isgaadhsiinta

0
501

Hargeysa (Dawan) Mudanayaasha golaha Guurtidda Somaliland ayaa fadhigoodii  maanta durduro ku meel mariyey wax-ka-badelka iyo kaabista lagu sameynayo xeerka isgaadhsiinta Somaliland, oo  maalinkii shalay ay  golaha wakiilladu wax ka badel ku sameeyeen islamarkaana ay cod aqlabiyadda ku ansixiyeen.

Qodobada meesha laga saaray waxa ka mid in shirkadda Somcable kooto loogu xidho xadhiga Feber Optiga loo yaqaani oo hore gaar loogu xidhay.

73 mudane ayaa u codeeyey, cid ka amuustay may jirin, cid diideyna may jirin, gudoomiyuhuna muu codeyn, sidaasi ayaanu ku ansaxey.

Sawirka Golaha Guurtidda oo Durduro ku Meel-mariyey Wax-ka-badelka iyo Kaabista lagu Sameeyey Xeerka Isgaadhsiinta

 

Leave a Reply