” Shacabka Somaliland Waxa loo Xasuuqay si Axmaqnimo ah” Cumar Salaad

0
500

Hargeysa-(Dawan)-Badhasaabkii dawladdii milatariga ahayd ee kaligii taliyihii Siyaad Barre u joogay Hargeysa sideetameeyadii Cumar Salaad Cilmi ayaa ka hadlay dhibaatada dawladdaasi u gaysatay dadkii ku noola magaalooyinka wakhtigii dagaalku dhacay Waxaanu  sheegay in hubabka culus lagu garaacay shacabka raydka ah oo xasuuq ba’an loo gaystay.

 

Cumar Salaad Cilmi ayaa sheegay in si axmaqnimo ah ay dawladdaasi u gumaaday bulshada isla markaana 70% dhulka la dhigay magaalada Hargeysa, Waxaanu tilmaamay in sidoo kale dadkii ka qaxay dagaalka in diyaarado lagu duqeeyay oo dariiqyada ay kaga daba tagayeen.

 

Hadalka Badhasaabkii dawladii milatariga ahayd ee kaligii taliyihii Siyaad Barre u joogay Hargeysa Cumar Salaad Cilmi ayaa kusoo beegmaaya xilli ay hadhaagii dawladdii Kacaanku  Muqdisho ka sheegeen in ay sax ahayd xasuuqii loo gaystay umadda Somaliland islamarkana xaq tahay in dib loo xasuuqo .

 

Leave a Reply