Xisbiga Waddani oo Dib u Hawl-geliyey Xubintiisa Koomishanka Doorashooyinka

0
522

Hargeysa-(Dawan)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa sheegay in ay dib u hawlgeliyeen xubintii u metelaysay koomishanka doorashooyina qaranka Somaliland oo ay hore shaqadiisa u hakiyeen Ka dib muranka la xidhiidhay arrimaha doorashooyinka ee lasoo gabagabeeyey.

 

Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo ka hadlayey Munaasibada ay haweenka Xisbiga Waddani ku xusaayeen Maalinta caalamiga ah ee haweenka dunida ayaa sheegay in xubintii xisbigu ay dib u bilaabi doonto shaqadii koomishanka doorashooyinka Somaliland , Waxana uu yidhi “ ” xubintii aynu hakinay ee guddiga doorashooyinka hakiskii waanu ka saarnay ”

 

Guddoomiye Cirro ayaa soo dhaweeyey hashiiska laga gaadhay arrimaha doorashooyinka waxaanu shacabka ugu baaqay in u diyaar garoobaan doorashada barlamaanka iyo deegaanka, waxana uu yidhi “Somaliland in badan ayaa laysla jiitamaayey arrimaha doorashada laakiin waxa aan ku faraxsanahay in laga baxay oo laga heshiiyey, waxa dhacay hashish siyaasi ah oo ah in doorashooyinkii barlamaanka iyo deegaanku ay dhacaan inta aannu dhammaan sannadkan aynu ku jirnaa , waa arrin guul u ah Somaliland”

 

Leave a Reply