Wasiirka Gaashaandhigga Oo Goob Goob u maray Fadhiisimada Ciidanka Ee Xeebta Iyo Galbeedka Somaliland

0
615

Boorame(DAWAN) Waftigii uu hogaaminayey wasiirka wasaaradda Gaashaandhiga JSL Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateey(Fariid) ee mudooyinkii u danbeeyey socodaalka shaqo ku marayey deegaanada Xeebta waqooyi ee Somaliland ayaa soo kormeeray fadhiisimada ciidamada ee Aagag Xeebta iyo gobolka Awdal, waxaanu soo maray Fadhiisinta Ciidanka ee Geerisa,Madax-dadlay,Xariirad Hubkadhigista, Guutada 19aad iyo Taliska aaga galbeed ee deegaanka Goroyo cawl.

Safarka wasiirka oo ay ku wehelinayeen Hogaanka hawlgalinta ciidanka qaranka JSL Gaashaanle sare Axmed Hurre Haariye, Taliyaha Saldhiga koowaad ee ciidanka qaranka Gaashaanle sare Yuusuf Iimaan Diiriye iyo madax ka socota wasaaradda gaashaandhiga ayaa maray deegaanka Geerisa oo ay halkaasi salaan sharaf kaga qaateen cutub ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland gaar ahaan Saldhiga koowaad(1), waxaana ay u sii gudbeen kormeer ay ku tageen qaybaha ay ka koobantahay xerada Geerisa. Iyaga oo uga sii gudbay deegaanka Madax-dadlay oo ay dagan yihiin Taliska ka mid ah Saldhiga Koowaad ee ciidanka Qaranka JSL, gaar ahaan ururka koowaad waxaana wasiirka iyo waftigiisi si isku mid ah ay ugu mahad celiyeen dhamaan ciidanka qaranka JSL, gaar ahaan ciidanka xerada Madax dadlay.

Waxaa ka mid ahaa hadaladii kala duwanaa ee ay masuuliyiintu halkaasi ka jeediyeen, Taliyaha Saldhiga Koowaad ee Ciidanka Qaranka JSL Gaashaanle Sare Yuusuf Iiman Diiriye ayaa sheegay in ay maanta ku farax san yihiin kormeerka uu ku yimid wasiirka Gaashaandhigu sidii uu xogogaal ugu noqon lahaa, xaalada ciidanka qaranka JSL ee ku sugan deegaanada kala duwan ee Somaliland waxaanu xusay in ka Taliye Saldhig ahaan ay tahay markii ugu horaysay ee wasiir ka tirsan wasaarada gaashaandhiga JSL uu soo booqdo deegaanka Xeebta ee ay ku sugan yihiin ciidanka qaranku.

Geestiisa waxa halkaasi ka hadlay oo hadalo kala duwan u jeediyey goobaha kala duwan ee ay ku sugan yihiin ciidanka Qaranka JSL Taliyaha hawlgalinta ciidanka qaranka JSL Gaashaanle Sare Axmed Hurre Haariye, oo uga mahad celiyey ciidanka xaaladaha kala duwan ee ay ku shaqaynayaan waxaanu sheegay in uu aad ugu mahad naqayo salaana uga sido taliyaha ciidanka qaranka Sareeye Gaas Nuux Ismaciil Taani sida hagar la’aanta ah ee ay ciidanka qaranku uga shaqaynayaan qarankooda.

Gebo-gebadii waxa halkaasi ka hadlay Wasiirka wasaaradda gaashaandhiga JSL, Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye(Fariid), waxaanu sheegay in u jeedada safarku uu yahay xogogaal u noqoshada iyo isku xidhka wasaarada gaashaandhiga iyo ciidanka qaranka JSL meel kasta oo ay ku sugan yihiin kaasi oo si weyn ugu mahad celiyey ciidanka hadh iyo habeen u taagan sugida amniga iyo sidii ay qaranka JSL uga difaaci lahayeen wax kasta oo khatar ku ah,  Safarka wasiirka oo qaatay mudo sadex cisho ah ayaa ahaa mid uu wasiirka wasaaradda gaashaandhiga JSL uu ku soo maray dhamaan fadhiisimada ciidanka qaranka ee deegaanada Xeebta iyo Galbeedka Somaliland.

Leave a Reply