Madaxweyne kuxigeenka Kenya Oo Sheegay In La Dhibaateeyey

0
448

Kenya (Dawan)- Madaxweyne kuxigeenka dalka Kenya, William Ruto, oo lagu tilmaamo shakhsi bannaanka ka taagan dowladda uu ka tirsan yahay ayaa ku hanjabay in uu shaacin doono magacyada dad uu sheegay in loo adeegsado in lagu dhibaateeyo siyaasiyiinta taageersan ee garabka u ah.

Mar uu ka hadlayay deegaanka Meru, ayaa waxa uu Ruto sheegay in barasaabyada, wakiillada deegaanada, xildhibaannada iyo shaqaalaha rayidka ee taageersan damaciisa siyaasadeed marwalba loogu hanjabo in la xirayo iyo in maxkamad lasoo taagi doona.

Kenya ayuu sheegay in dal dimquraadi ah ay tahay, qof kastana uu xaq u leeyahay in uu taageero dhinaca uu doonayo.

Wuxuu sheegay in uu yahay madaxweyne kuxigeenka Kenya, ixtiraamna uu mudan yahay.

“Waan ogahay sababta uusan halka u joogin barasabka Meru, waayo dadka waa la handadaya, waxaan ahay madaxweyne kuxigeenka Kenya ee la doortay, mana jirto wax raaligelin ah oo aan ka bixinayo, dhawaanna waan sheegi doonaa dadkaas i dhibaateynaya,” ayuu yiri isagoo ka hadlaya deegaanka Meru.

Hadalka William Ruto ayaa yimid xilli senetarka laga soo doorta Meru, Mithika Linturi iyo xildhibaan kale oo dhowr ah oo taabacsan madaxweyne kuxigeenka ay xafiiska dembi badhista ee DCI, waaxda canshuuraha, garsoorka iyo hey’adda la dagaalanka musuq maasuq ee EACC ay ku eedeeyeen in loo adeegsado in lagu dhibateeyo siyaasiyiinta taabacsan madaxweyne kuxigeenka.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply