Ra’iisal Wasaaraha Suudaan Oo Weerar Qarax Ka Bad-baaday

0
456

Khartum (Dawan): Ra’iisal wasaaraha dalka Suudaan Abdalla Hamdok, ayaa ka bad-baaday isku day dil oo la doonayay in lagu khaarejiyo.

Kadib markii uu maanta dhacay qarax baabuurkiisa loogu xidhay kolonyo gaadiid ah oo uu la socday gudaha caasimadda Khartum ee Suudaan.

Qaraxa ayaa la sheegay in aanay jirin cid ku dhimatay ama ku dhaawacan tahay, hase yeeshee waxaa bur-bur xoogan uu soo gaadhay mid ka mida baabuurka ra’iisal wasaaraha.

“Waan ka nabad qabaa qaraxii dhacay. Wixii dhacay naga joojin maayaan dariiqa is-bedelka, wax saamayn ah naguma keenayso.

Balse waxay nagu sii xoojinaysaa in aanu sii wadno mawjadaha is-bedelka” ayuu ku yidhi qoraal kooban uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay ra’iisal wasaare  Abdalla.

Xubno ka tirsan xafiiska ra’iisal wasaare Hamdok, ayaa warbaahinta u sheegay in weerarku uu dhacay xili ra’iisal wasaaruhu uu ku sii  socday xafiiskiisa.

Ma jirto cid sheegatay weerarkan qarax eel ala beegsaday ra’iisal wasaaraha Suudaan.

Muuqaalo lagu baahiyay baraha Internet-ka waxaa ka muuqanaya bur-bur xoogan oo qaraxu gaadhsiiyay  mid ka mida baabuurka ra’iisal wasaaraha iyo gaadhi kale

Geesta  kale war qoraal ah oo ay soo saareen guddiga amaanka ee dawladda Suudaan ayaa canbaareeyay weerarkaasi qarax.

Waxaanay ka dalbadeen dawladaha ay saaxiibadda yihiin in ay ka gacan siiyaan baadhitaan weerarkaasi, si cadaaladda loo hor keeno cidii ka danbaysay.

Dhinaca kale wasiirka warfaafinta Suudaan Falih Salih, ayaa weriyeyaasha u sheegay in uu socdo baadhitaan ay hay’adaha amaanku ku wadaan qaraxaasi iyo cidii ka danbaysay.

 

 

Dawannews.com/Hargaysa Somaliland.

Leave a Reply