Badhasaabka Sool Oo Bogaadiyay Maalinta Haweenka Aduunka

0
436

Laascaanood (Dawan): Badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa hanbalyo u diray guud ahaanba haween weynaha Somaliland  gaar ahaana kuwa gobolka Sool xuska maalinta 8 March awgeed.

Waxaanu sheegay badhasaabku in haweenku ay udub-dhexaad u yihiin, isla markaana ay kaalinta weyn kaga jiraan nolosha bulshadda.

Isagoona xusay in haweenka Soomaaliyeed ay door muhiim ah ka soo qaateen hal-gamadii kala duwanaa ee ay dadka Soomaaliyeed soo mareen.

“Bogaadin xanbaarsan dareenka maxubo ee ay mudan yihiin ayaan hanbalyo xuska maamuuska haween weynaha dunida ee maanta awgeed aan ugu diraya haweenka gobolka Sool iyo guud ahaan kuwa Somaliland.

Waxaynu wada ognahay lana xaqiri karin kaalinta ay mar kasta ay udub-dhexaadka u ahayeen haweenku ee aynu soo marnay si gaara xilliyadii adkaa ee hal-gannada aynu ku dhaadano”ayuu yidhi C/qani Jiidhe.

Badhasaabka oo hadalka sii watyan waxa uu yidhi, “Waxaan haweenka oo aan la gudi karin abaalkooda hadday noqoto dhan qoys, bulsho iyo qaran. Waxaanan  u rejaynnayaa guul, isla markaana labada daaroodba Rabbi uga baryayaa naxariistiisa waasaca ah in uu ugu deeqo.

Sidoo kale badhasaabka Sool, waxa uu sheegay in xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay madaxweynaha Somaliland ay ahmiyad weyn siinayso haweenka, isla markaana ay aqoonsan tahay doorka muhiimka ah ee ay ka ciyaaraan arrimaha qaranka.

Geesta kale badhasaabka oo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Waxaa ii farxad ah maamul gobol ahaan iyo xukuummadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, in  aanu garawsanahay awoodda iyo milgaha haweenkeenna,  ayna qayb laxaad leh ka ciyaarayaan arrimaha masiirigi ah ee Qaranka loogu adeegayo”.

Dhinaca kale 8 bisha March waxaa guud ahaanba caalamka laga xusaa maalinta haweenka aduunka, iyadoo munaasibado maalintaas lagu xusayo shalay lagu qabtay magaalooyinka Somaliland.

 

 

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply