Dufcadii 7aad ee Ciidanka Dab-demiska oo Tababar loo Furay

0
541

Hargeysa-(Dawan)-Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed ayaa maanta tababar u furay dufcadii 7aad ee Ciidanka Dab-demiska gobollada Sool, Sanaag iyo Saaxil.

Munaasibadan waxaa ka soo qaybgalay taliyaha ciidanka Dab-demiska, taliyaha ciidanka Booliska, Badhasaabka gobolka Maroodijeex,Duqa magaalada Laascaanood, xoghayaha fulinta dawlada hoose Hargeysa, xoghayaha fulinta dawlada hoose Berbera iyo martisharaf kala duwan.

Ugu horayn waxaa halkaa ka hadlay Taliyaha Ciidanka Dab-demiska sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili oo ka warbixiyay marxaladii ay soo mareen ciidankan cusub ee gobollada Sool,Sanaag iyo Saaxil oo dhammaantood ku soo baxay imtixaam u dhacay si xor iyo xalaal ah laguna qabtay deegaamadooda.

Taliyuhu waxa uu sheegay in maalmaha soo socda loo bilaabi doono tababaro kala duwan oo kala ah casharo ku saabsan ka hortagga dabka, gargaarka degdega ah, cilmiga korontada iyo duruus kale oo badan.

Dhankooda masuuliyiin badan oo halkaa ka hadlay ayaa si isku mid ah talooyin u siiyay ciidankaa maanta tababarku u furmayo.

Ugu dambayn waxaa munaasibadaas ka hadlay wasiirka arrimaha gudaha waxaanu kalmado dardaarana siiyay xubnaha maanta tababarku u furmayo, isagoo wasiirku kula dardaarmay inay u dhabar adaygaan tababarkaa adag ee ay galayaan, marka ay ku noqdaan goobahoodiina ay cilmigaa siday tahay u dabaqaan.Gebagabadiina waxaa wasiirku dufcadaa u furay tababarkaa Ciidanimo.

Image may contain: 4 people, people standing

Image may contain: 4 people, people standing and outdoor

Image may contain: one or more people, people standing and outdoor

Image may contain: 4 people, hat

Leave a Reply