Turkiga oo Saddex Nin Ku Xukumay 125 Sanno oo Xabsiya + Sawiro

0
478

Ankara (Dawan) Maxkamada ku taala magaaladda Ankara ee dalka Turkiga ayaa saddex nin oo dadka tahriibiya ku xukuntay xabsi 125 sanno ah.

Saddex nin oo ciidamada Xeebaha ee Turkigu ay qabteen ayaa loo haystaa dilka wiil yar oo Siiriya u dhashay oo lagu magacabo Alan Kurdi, kaasi oo ku qaraqmay bada u dhexeeysa Turkiga iyo Giriira Sanadkii 2015.

Wiilka yar oo saddex jir ahaa ayaa maydkiisa oo xeebta yaala ayaa sawiro laga soo qaaday waxay qabsadeen warbaahinta caalamka, iyagoo soo jiitay indhaha caalamka dhibaatada haysata qaxootiga Siiriyaan ee dalkooda uga soo cararay colaada iyo dhibaatada.

Doonidaas oo ay qaraqmeen ilaa 12 qof waxaa kaloo dadka dhintay Alan walaalkiisa oo 5 Jir ahaa iyo Hooyadii, waxaa ka badbaaday wiilka aabihii oo lagu magacaabo Cabdullaahi.

Leave a Reply