Wasiir Ciyaaraha Somaliland Oo Soo Xidhay Tartanka Kubbadda Cagta ‘Togdheer Cup’

0
514

Burco (Dawan): Wasiirka wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Somaliland ayaa maanta soo xidhay tartan ciyaaraha Kubbadda cagta ‘Togdheer Cup’ oo muddo laba bilood ah ka socday  garoonka ALAMSEY Stadium ee magaaladda Burco.

Tartankaasi mudadii uu socday waxaa ka qayb galay kooxaha heerka koowaad ee gobolka Togdheer, iyadoo dhamaanba kooxihii ciyaarahaas ka qayb qaatay ay muujiyeen ciyaar wanaag.

Ciyaartii kama-danbaysta ahayd ee tartankaasi oo maanta dhacday waxaa isugu soo hadhay kooxaha ku kala ciyaarayay magacyadda wasaaradda Maaliyadda iyo hay’adda duulista iyo madaarrada ee gobolka Togdheer.

Waxaana garoonka kubbadda cagta ee ALAMSEY Stadium soo buux dhaafiyay boqolaal dadweyne ah oo u yimid daawashadda ciyaartaasi, kuwaasoo kala taageersanaa labadan kooxood.

Xidhitaanka tartan ciyaareedkaasi waxaa ka soo qayb galay wasiirka wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Boos Mirre Maxamed, wasiirka Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, maamulka gobolka Togdheer.

Sidoo kale waxaa madasha joogay xubno ka tirsan golaha deeganka Burco oo kaalin weyn ka soo qaatay qaban qaabaddda iyo qabashadda tartankaasi oo uu ka mid yahay xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi).

 

Halkan Ka Daawo Warkaasi:

 

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply