Xildhibaan Bidhi Oo U Mahad Celiyay Cid Kastoo Gacan Ka Gaysatay Qabsoomidda Tartankii ‘Togdheer Cup’

0
587

Burco (Dawan): Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi), oo ka mid ahaa masuuliyiintii sida weyn uga soo shaqeeyay qaban-qaabadda koobkani ayaa si weyn ugu mahad celiyay cid kastoo gacan ka gaysatay qabsoomida tartankaasi.

Kuwaasoo isugu jiray wasiirro, badhasaabyo, xildhibaano, agaasimeyaal, maareeyeyaal iyo shirkado ganacsi oo dhamaantoodba dhaqaale ahaan kaga qayb qaadatay qabsoomida tartankaasi.

Tartan-ciyaareedkaasi oo muddo laba bilood ah ka socday garoonka Kubadda cagta ALAMSEY Stadium Burco waxaa ka qayb qaatay 22 kooxood ka mida kooxaha heerka koowaad ee Kubadda cagta ee gobolka Togdheer.

Waxaana wareegii koowaad ku hadhay 10 kooxood, halka wareegii labaadna ay ka qayb qaateen 12 kooxood,  iyadoo ciyaartii gebagabadiina ay isugu soo hadheen labadda kooxood ee ku kala ciyaarayay magacyadda wasaaradda Maaliyadda iyo duulista iyo hawadda ee gobolka Togdheer.

Ciyaartii maanta oo dhex martay kooxda ku ciyaaraysay magaca duulista iyo hawadda ee gobolka Togdheer, waxaa laba Gool iyo 1 Gool  kaga badisay kooxda duulista iyo hawadda kooxdii ku ciyaaraysay magaca wasaaradda maaliyadda.

Xildhibaan Bidhi, waxa uu sheegay in hirgelinta tartan ciyaareedkaasi ay ka dhaqaale ahaan kaga qayb qaateen shirkaddo iyo masuuliyiin xukuumadda ka tirsan.

Waxaanu mahad naqiiisa ku bilaabay sidan, “Waxaan u mahad naqayaa cid kastoo gacan ka gaysatay qabsoomida tartan-ciyaareedkaasi, oo ugu horeeyo madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo isagu qayb weyn ku lahaa dhismaha garoonka Kubadda Cagta Burco ee ALAMSEY Stadium.

Waxa kaloon u mahad naqayaa wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha, Wasiirrada Maaliyadda Sacad Cali Shire, arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, Xanaanadda xoolaha iyo Kalluumaysiga Siciid Sulub Maxamed, wasiirka Ciyaaraha Boos Mirre Maxamed, wasiir Jaamac Maxamuud Cigaal iyo wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta”.

“Badhasaabka gobolka Maroodijeex Jaamac Maxamuud Cigaal, badhasaabka gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi, guddoomiyaha hay’adda qoxoontiga iyo barokaceyaasha C/kariin Xinif, guddoomiyaha guddiga qandaraasyadda qaranka Nuux Maxamed Xuseen.

Waxa kale oo aan u maahd celinayaa xildhibaanadda kala ah xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama), xildhibaan Maxamed Yuusuf Axmed, xildhibaan Maxamed Yuusuf Waabeeye, iyo xildhibaan Siciid Cilmi Rooble”ayuu yidhi xildhibaan Bidhi.

Geesta kale  xildhibaan Bidhi, ayaa u mahad naqay shirkado kala duwan oo dhaqaale ahaan kaga qayb qaatay tartankaasi.

Waxaanu yidhi, “Shirkadaha Oomaar Group, Maansoor huteel Burco, shirkadda HAS, Telesom, shirkadda Dahabshiil gaar ahaana qaybta baabuurta ee Hyundai, shirkadda Laydhka ee HECO, shirkadda Cali Gadhle, shirkadda Yadha ee Ilays Burco, shirkadda isu-socodka goboladda ee Bari iyo Galbeed, iyo sidoo kale  shirkadda Sagal Jet,  Burco iyo Sagal Jet Hargaysa”.

Xildhibaan Mubaarig Bidhi, oo mahad naqiisa sii watay ayaa u mahad celiyay tekefishanadda Horn Cable iyo Sahan TV oo si toos ah baahinayay intii tartankaasi uu socday.

Waxaanu yidhi,  “Waxa kaloon u mahad celinayaa TV-yadda SAHAN iyo Horn Cable TV, oo suurto geliyay in mudadii uu tartankaasi socday in ay si toos ah (live) u baahinayeen maalin walba. Sidoo kale waxaan u mahad celinayaa macalin Cali Maxamed Jaamac, iyo xildhibaan Rashiid Saalax, oo iyagna hawshaasi aanay la’aantood suurto gasheen.

Dhinaca kale  mudadii labad bilood ahayd ee uu tartankaasi socday waxaa iyagna si weyn uga qayb qaatay ciidamadda amaanka oo maalin walba heegan ku ahaa garoonka Kubbadda cagta ALAMSEY Stadium Burco oo ay ciyaaruhu ka socdeen.

Xildhibaan Bidhi, ayaa sidoo kale u mahad celiyay ciidamadda booliska gaar ahaana taliyaha qaybta booliska gobolka Togdheer

“Waxaan u mahad naqayaa guud ahaanba qaybaha kala duwan ee ciidamadda nabadgeliyadda gobolka Togdheer iyo taliyeyaashoodda, gaar ahaana taliyaha qaybta booliska Togdheer Cali Maxamed Faarax, ku-xigeenadiisa iyo taliye-qaybeedyadda oo dhan. Koobkaasina si guul ah ayuu ku soo dhamaaday”.

 

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply