Taliyaha Saldhiga Daloodho oo waxba kama jiraan ku tilmaamay dhacdo been abuur ah oo lagu xidhiidhiyey

0
606

Hargeysa(Dawan)-Saraakiisha Ciidanka Booliska Somaliland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in ay xidheen Gabadh qoraal cabasho ah oo laga gudbiyey lagu faafiyey baraha Bulshada, taasoo sida la sheegay faro-xumeyn uu u geystay sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha gudaha, markii ay cabashadeedu soo baxdayna lagu xidhay mid kamida saldhigyada caasimada Hargeysa.

Sida lagu sheegay Warka lagu baahiyey baraha bulshada gabadhan waxa lagu xidhay Saldhiga Daloodho ee degmada 26 June, hase yeeshee waxa xaqiiqo ah in aanay arrintaasi waxba ka jirin, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen saraakiisha Booliska.

Taliyaha Saldhiga Daloodho Dhame Ismaaciil Gaydh Diiriye oo la hadlay koox wariyeyaal ah oo xaqiiqo raadin u tegay Saldhiga ayaa sheegay “Saldhiga waxaan tirsaday 12/3/2020 maalintaa aan tirsaday ilaa maanta gabadhaas la sheegayo kumaan arrag oo laguma soo xidhin, gabadhaas la sheegayo in lagu xidhay wax alaale wax ka jiraa ma jiro, Taliyihii aan ka tirsadayna iimuu sheegi”.

Dhame Gaydh, ayaa bulshada Somaliland u beyaamiyey “Dadweynaha Somaliland waxaan u sheegay in arrintaas la sheegayo ee la yidhi gabadh masuuliyiin u xidhanbaa lagu hayaa in aanay waxba ka jirin”ayuu caddeeyey Taliyuhu.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha gudaha iyo madaxa Hay’adda shaqaalaha dawladda oo iyaguna maanta warbaahinta la hadlay ayaa cadeeyey in warkaasi uu been abuur yahay.

Nin Baraha bulshada caan ka ah ayaa shalay bog uu leeyahay ku daabacay qoraal uu ku sheegayo in gabadh kamida shaqaalaha Wasaaradda arrimaha gudaha oo uu khasab faro-xumeeyey sarkaal ka tirsan wasaaraddaasi, markii ay arrinteedu dibada u soo baxday xabsiga dalloodho lagu xidhay.

Hase ahaatee, Wariyeyaasha oo arrintan baadhisteeda si qoto dheer ugu kuurgalay, ayaa qaybta lagu hayo Maxaabiista Maxkamad sugeyaasha ah ee saldhiga ka baadhay gabadhaasi, taasoo ay ka waayeen.

Leave a Reply