Maamulka Degmadda Berbera oo Dhagax Dhigay Jid Laami Ah

0
583

Berbera (Dawan):- Mas’uuliyiinta Gobolka iyo degmada Berbera ayaa shalay si wada jir ah u dhagax dhigay waddo laga hirgalin doono Xaafadda Moosko oo ka mid ah Xaafadaha magaalada Berbera.

 

Wadadan oo dhex marta xaafadaha Qadiimka ah ee magaalada Berbera ayaa dib u hayn lagu samaynayaa sida ay sheegeen Maamulka degmadu.

 

 

Ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay xoghayaha dawladda Hoose ee magaalada Berbera isagoo ka waramay wadadan iyo ahmiyada ay u leedahay bulshada xaafadda iyo guud ahaan bilicda magaalada Berbera.

 

Guddoomiyaha golaha deegaanka Magaalada Berber Cabdishakuur Ciddin ayaa sheegay in qorshaha magaaladu qoran yahay,waxaanu sheegay inay hirgalinayaan wadadan iyagoo kor u qaadaya bilicda magaalada Berbera.

 

Ugu dambayn guddoomiyaha gobolka Saaxil Eng Axmed Cismaan Xasan ayaa dawlada hoose ku bogaadiyey waddooyinka ay wadaan iyo bilicda magaalada sida ay uga shaqaynayaan.

 

Saciid Cagjar

Dawannews.com/ Hargeysa/ Office

Leave a Reply