Xukuumadda Somaliland oo Ceelal Ka Hirgelisay Gobolka Togdheer

0
687

Burco-(Dawan)-:-Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland Md, Maxamed Muuse Diiriye oo ay Wehelinayaan Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta, Saleebaan Cali Koore  ayaa xaafado ka tirsan  magaalada Burco ee  Gobolka Togdheer ka dhagax dhigay Ceel Biyood Riiga oo loogu tala galay Dadweynaha Danyarta ah ee  ku dhaqan Xaafadaha Guryo samo iyo Kur libaax.

Mareeyaha Wakaallada Biyaha ee Magaalada Burco ,Cabdixakiin Maxamed Maxamuud ayaa ka warbixiyey ceel biyoodka ay xadhiga ka jareen labada wasiir waxanu yidhi “ laba wasiir ee midna ceelkan dhagax dhigay midna xadhiga ka jaray , Ceelkan waxa lagu talo galay inuu waraabiyo Xaafadaha barakacayaasha ee kala ah Samir iyo iimaan , ALLA Aamiin , 17may. ceelkan oo ah mid aad u biyo badan ayaanu ku samaynayaa dib u habayn la xidhiidha dayrkii , goobihii xooluhu ka cabayeen ,qolkii ilaalada iyo qolkii mashiinka “

 

Mareeye Cabdixakiin Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in ay doonayaa sidii ay biyo ku filan u gaadhsiin lahayeen xaafado ay degan yihiin dad danyar ah oo burco u jirta todobada kilomitir “Waxanu doonaynaa in aanu gaadhsiiyo xaafadaha barakacayaasha ee aanay gaadhin biyuhu oo magaalada u jira 7km islamarkaan ay degan yihiin dadkeen danyarta ah “ayuu yidhi

 

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland, Maxamed Muuse Diiriye  ayaa sheegay in si degdeg ah loo bilaabayo ceel biyood ay ka cabi doonan dadka barakacayaasha eek u nool xaafadaha guryo samo iyo kur libaax  “ Marka ceelka la qodo waxa loo jiidayaa Waqooyi iyo Hawd  madaama ay badhka tahay oo dhinac kasta loo soconaayo afar km  waxanan u samaynayaa taangiyo kayd u noqda

 

Saciid Cagjar

Dawannews.com

Hargeysa/Office

Leave a Reply