Somaliland oo Kaydinaysa Raashinka iyo Daawooyinka Daruuriyaadka ah

0
514

Hargeysa-(Dawan)-Gudoomiyaha Rugta ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid Ibraahin ayaa sheegay inay ka tashanayeen sidii ay meel uga soo wada jeedi lahaayeen dhibta adduunka ku soo korodhay ee xannuunka Corona Virus waxa uu gudoomiyuhu xusay inay isla meel dhigeen sidii ay ganacsatadu u kaydin lahaayeen raashinka iyo daawooyinka daruuriyaadka ah ee dalka yaala

Wasiirka wasaaradda Ganacsiga,Wershahada iyo Dalxiiska Somaliland Mudane Maxamud Xasan Sacad Saajin ayaa sheegay inay muhiim tahay sidii looga gaashaaman lahaa xannuunka CoronaVirus oo si xoogan adduunka ugu faafaya Wasiirku waxa uu Ganacsatada ku bogaadiyey hannaanka ay u kaydiyeen raashinka iyo daawooyinka dalka yaala.

Wasiirka ganacsigu waxa uu intaas ku daray in Ganacsatada iyo Xukuumadda Somaliland ay ka wada shaqaynayaan talaabo kasta oo lagu kaydinayo Cuntada iyo daawooyinka dalka gudihiisa yaala.

Leave a Reply