Madbacada Qaranka oo madal ku soo bandhigtay qalab casri ah iyo adeegyo cusub oo ay soo kordhisay

0
853

“waxaanu balanqaadaynaa in aanu daboolno baahida daabacaddeed Qaranka iyo dalalka aynu jaarka nahay, sida Dawlad-deegaanka Itoobiya iyo Djibouti oo kale”
Qore: Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale)


Hargeysa(Dawan)-Madbacada Qaranka Somaliland, ayaa magaalada Hargeysa ku qabatay kulan ay ku soo bandhigtay mishiino casri ah oo ay dalka keenayso markii ugu horsay, adeegyo cusub oo ay ku dardar gelinayso wax-soo-saarkeeda iyo qorsheyaal ay ku xoojinayso xidhiidhka ka dhexeeya Ganacsatada iyo qaybaha kale ee Bulshada.

Kulankan oo ay ka soo qaybgaleen madaxda Madbacada, Masuuliyiin ka socda laamaha Dawladda, Ganacsato, wakiillo ka socday Jaamacadaha Dalka iyo marti-sharaf kale, ayaa waxa maamulka Madbacadu ka soo qaybgaleyaasha kula wadaagay noocyada adeegyada iyo hannaanka daabacadaha cusub ee ay samaynayaan.

Munaasibadan oo lagu qabtay Hudheelka Maansoor, waxa ugu horayn hadallo ka jeediyey madaxda waaxyaha Madbacada Qaranka oo ka waramay adeegyada cusub ee ay xafiisyada dawladda iyo dadweynahaba u qabanayaan.

Cabdirashiid Belel, Axmed Maxamed iyo Maxamed Cadaawe oo ah saraakiisha dhanka wax-soosaarka u qaabilsan madbacada, ayaa sheegay in ay madbacadu soo kordhisay mishiino aad u tayo sareeyo oo dhanka daabacada ah iyo qorsheyaal ay kor ugu qaadayso xidhiidhka macaamiisheeda oo ay kamid tahay qiimo jaban iyo daabacad casri ah.

Agaasimeyaasha guud ee Wasaaraddaha Ganacsiga, Isgaadhsiinta iyo xidhiidhka goleyaasha oo madashaasi ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey tayeynta iyo casriyeynta lagu sameeyey wax-soo-saarka Madbacada Qaranka, waxaanay balanqaadeen in ay waxyaabihii ay markii hore ka daabacan jireen meelaha kale ay hadda wixii ka dambeeya ka daabacan doonaan Madbacada qaranka.

Sidoo kale, wax ay goobaha waxbarashada dalka ugu baaqeen in ay ku soo xidhmaan madbacadan, kana faa’idaystaan tayada wax-soo-saarkeeda. “ka wasaarad ganacsi ahaan waxaanu soo jeedinaynaa in dawlad iyo shacab-ba lagu xidhnaado madbacadan”ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo dalxiiska oo munaasibadaasi ka hadlay.

Masuul ku hadlayey afka Shirkadda SOMGAS iyo Wasiirkii hore ee Cadaalada ee Xukuumaddii UDUB Axmed Cali Casoowe oo iyaguna munaasibadaasi ka hadlay, ayaa tilmaamay in Xafiisyada dawladda looga baahan yahay in ay macluumaad kasta oo daabacayaan Madbacada qaranka ka daabacdaan. “anigoo ku hadlaya afka bahda Waxbarashada waanu qaadanay bushaarada aad noo keenteen ee aad noogu bushaarayseen daabacaad tayo leh oo wakhti ku haboon soo baxda, oo qiimaheedu macquul yahay, oo markii hore dibada yaallay oo aan dalka oolin”ayuu yidhi Wasiir hore Casoowe oo iminka ka mida bahda waxbarashada.

Maareeyaha guud ee Madbacada Qaranka Maxamuud Raage Ibraahim shirkaasi gabagabadiisii khudbad ka jeediyey Ganacsatada, masuuliyiinta dawladdeed iyo marti-sharafta kale ee halkaas ku sugnayd u balanqaaday “aniga iyo shaqaalahaygu waxaan idiin balanqaadayaa oo higsigayagu yahay in aanu daboolno baahida daabacaddeed ee qaranka Jamhuuriyada Somaliland, in aanu daboolno baahida daabacaddeed ee shacabka Somaliland qabo, in aanu daboolno oo higsigayagu yahay baahida daabacaddeed ee dalalka aynu jaarka nahay, sida Dawlad-deegaanka Itoobiya iyo Djibouti oo kale”.

Madbacada Qaranka ayaa bilihii u dambeeyey waxa ka socday balaadhin dhanka dhismeyaasha ah iyo qalabeyn lagu samaynayo wax-soo-saarkeeda si ay u daboosho baahida loo qabo daabacad tayo leh oo lagaga kaaftoomo madbacadaha dibada ee ay shirkaddaha Ganacsiga, Xisbiyada Siyaasadda iyo dad kale ee wax daabacdaa adeegyada u doontaan, taasoo wakhti iyo kharash badani kaga lumo.

Leave a Reply