Dawladda Itoobiya oo Shaacisay in Qofkii Lixaad Laga Helay Xannuunka Coronavirus

0
499

Addis Ababa-(Dawan)-Dawladda Itoobiya ee aynu jaarka nahay ayaa shaacisay in xannuunka Coronavirus laga helay dalkaas qofkii lixaad ee qaba
xannuunkaas.

Siday caddeysay Warbaahinta dawladda Itoobiya, diblomaasiyad Ingiriis
ah oo 59 jir ah ayaa Itoobiya ka heshay Coronavirus.

Gabadhan ayaa Wasaaradda caafimaadka Itoobiya sheegtay inay Addisababa soo gaadhay shalay, iyadoo ka soo kicitintay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

Wasaaradda caafimaadka Itoobiya waxa ay intaas ku dartay in haweenaydaas diblomaasiyadda ah lagu hayo xarun lagu karantiimeeyey.

Dawladda Itoobiya ayaa Jimcihii toddobaadkii hore shaacisay in dalkeeda lagu arkay kiiskii u horreeyey ee Coronavirus, waxana ay
joojisay waxbarashadii dugsiyada, ciyaaraha iyo isu imaatinka ballaadhan ee dadweynaha.

Coronavirus waxa uu hayaa 184,000 qof oo adduunka ku kala nool, halka ilaa 7000 oo qofna ay ugu dhinteen xanuunkaas caalamka oo dhan.

Sidoo kale Siddeetan kun oo qof oo ku kala filiqsan caalamka ayaa ka bogsaday Fayraskaas oo ku fiday dalal gaadhay 158.Xigasho

Leave a Reply