Shaqaalaha Dawladda Somaliland oo Amarro la Dul-dhigay

0
488

Guddoomiyaha ha’aydda shaqaalaha dawladda Somaliland , Farxaan Aadan Haybe ayaa sheegay in la joojiyey xaadiriska iyo mashinka farta la saaro , waxana amaray in ay guryaha joogaan hadday isku arkaa qufac iyo xalaamadaha guriga , waxana sida lagu sheegay war-saxafeed kasoo baxay guddiga ha’yadda shaqaalaha oo u dhignaa sidan

Guddida Hay’adda shaqaalaha dawladdu, iyagoo ka duulaya go’aamada ay maanta soo saareen Guddida heer qaran ee ka hortaga Fayraska coronavirus, maankana ku haya xaqiijinta badqabka iyo fayo dhowrka Shaqaalaha dawladda guud ahaan ee ka hawlgala xafiisyada iyo xarumaha  waxa la gudboon masuuliyiinta waaxda cudduda Shaqaalaha ee dhammaan wasaaraddaha, Hay’addaha iyo xafiisyada kale ee dawladda iyagoo kaashanaya wasiirada/guddoomiyayaasha iyo agaasimayaasha guud, Agaasime waaxeedyada iyo isuduwayaasha gobollada in ay qaadaan talaabooyinkan ka hortaga ah;
1- In la joojiyo isticmaalka nidaamka xaadiriska shaqaalaha-finger printka ama buuga xaadiriska muddo 4 todobaad ah

2- In Shaqaale gaar ah oo ka mid ah shaqaale hoosaadka, ilaaliyayaasha iyo askarta amniga (watchmen /security guards)albaabka hore joogta loo dhiibo dareeraha gacmaha lagu nadiifiyo (wash hand sensitizer ) si cid kasta oo soo galaysa xafiisyada dawladda xarunta iyo xafiisyada gobolladaba loogu nadiifiyo gacmahooda, hadiiba taas la ay suurtoobi waydo waa in badaalkeeda kildhi/ibriiq biyo ah, baaldi wayn iyo saabuunta dareeraha ah ee gacmaha lagu maydho la dhigo kedinka qof kastana la faro lana hubiyo inuu maydhay gacmihiisa si qofna u gelin gudaha dhismaha iyo xafiisyada isaga/iyada oo faraha aan sii maydhin.


3- In la yareeyo booqashada dadka shicibka ah ee xarumaha iyo xafiisyada dawladda gelaya wixii aan shaqo iyo kulan muhiim ah oo la ogyahay ahayn, wixii booqasho kulan is arag ah oo aan muhiiim ahayn, waa in la hirgeliyo telefoonka line ka oo yaalla kedinka si qofka soo booqdaha ah loola hadalsiiyo masuulka uu rabo ama loo fududeeyo inuu telefoonkiisa gacanta ka wada hadlaan ama loogu yeedho si uu ugu yimaado debeda.


4- Hadiiba qof shaqaale ka mid ah intaanu soo shaqo tegin subaxii isku arko xumad,qufac ama calaamadaha durayga/hargab waa in aanu iman goobaha shaqada ( xafiiskiisa) iskana joogaa gurigiisa muddo 2 todobaad ah.


5- Qofka shaqaale ah ee isagoo shaqada ku jira isku arka xumad, qufac qalalan/cuno xanuun ama calaamadaha hargabka/Durayga waa inuu degdeg uga baxaa xafiiska qaataana fasax toosna u tagaa gurigiisa isagoo muddo 2 todobaad ah ka maqnaanaya shaqada.

 

Leave a Reply