“Ballan Waxaan Ku Qaadaynaa In Aanu Garawe Qabsanno” Guddoomiye Faysal Cali Waraabe

0
600

 

Hargeysa-(Dawan)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa digniin u diray dawladda taagta daran ee Soomaaliya iyo Maamul goboleedkeeda Puntland,halka uu shacabka Somalilandna ugu baaqay inay u midoobaan difaaca dalka.

 

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, oo ka hadlaayey madal ay arday ku qalinjebinaysay ayaa wacad ku maray in aan mar danbe loo dul qaadin hagardaamooyinka iyo colaada ay wadda dawladda dhexe ee Soomaaliya oo adeegsanaysa Maamulka Puntland , waxana uu yidhi “Shalay waxay ku dhawaaqeen in dagaal lagu qaado Somaliland , ninka lahaa ha lagu duulo Somaliland waa nin reer Bosaasa, waxanan u sheegaynaa in aanan aqoon gardarrada.  balan waxaanu ku qaadnay haddii garoow joojin waydo Colaada in aanu garoowe qabsano “

 

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, waxa uu shacabka Somalilandna ugu baaqay inay u midoobaan difaaca dalka.  “buunbuuninta Xamar ka socota ha maqlina , Jabuuti oo waddan yar ah ayaa maanta Caasimadda , maxa inoo diiday Jamhuuriyadda Somaliland , dalkeena ayey gacanta ku haysanaynaa cadaalad ayeynu keenaynaa”

 

Hadalka Guddoomiye Faysal ayaa kusoo beegmaaya ka dib markii xidhitaanka shirka Puntland uu wasiir ku xigeenka Maaliyada Soomaaliya ka sheegay inay waajib tahay in la weeraro dhulka iyo dadka Somaliland, mana aha masuulkii kowaad ee sidan u hanjaba balse tan iyo intii uu xilka qabtay Madaxweyne Farmaajo waxa isoo taraaya hanjabaad iyo hagardaamooyinka Somaliland uga imaanaya dawladdisa aan Muqdisho ka arrimin .

Leave a Reply