Wasaaradda Deegaanka Somaliland Oo Dedaal Ugu Jirta Soo Celinta Seereyaasha iyo Ilaalinta Duur-joogta

0
559

Hargaysa (Dawan): Dawladda Somaliland ayaa si weyn ugu hawlan sidii dib gacanta dawladda loogu soo celin lahaa dhul-daaqsimeedka Seereyaasha oo hore ay u maamuli jirtay dawladu.

Wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga Somaliland ayaana qaaday tallaabooyin lagu abuurayo Seereyaal-xiliyeed iyo Seereyaal kale si bulshadda xoolo dhaqatadda ah ay ugaga bad-baadaan xiliyadda abaarruhu dhacaan.

Dedaaladda iyo qorsheyaasha ay wasaaradda deegaanku ku doonayso soo celinta Seereyaasha waxaa imika ka hirgalay laba Seere oo laga maal-gelinayo miisaaniyadda dawladda.

Sida uu sheegay C/naasir Axmed Xirsi, agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga Somaliland oo waraysi dheer oo dhinacyo badan taabanaya uu la yeeshay wargeyska DAWAN.

“Seereyaal fara badan buu dalkeenu lahaan jiray. Laakiin, Seereyaashii waxna waa la degay, waxna way lumeen. Wasaaradu dedaal badan bay samaysay sidii loo soo celin lahaa, tiro-koob bay ku soo samaysay Seereyaashii jiray.

Seereyaal imika gacanta lagu hayo, oo dhawaan la hirgelin doono ayaa jira. Labadii ugu horeeyay aayanan imika gacanta ku haynaa, oo kala ah Cashuurra,  oo ku yaalla Yagoori iyo Ban-Cawl, oo Burco u dhaw.

Seere kale ayaa jiray, oo Arroori la yidhaahdo oo Burco u dhaw. Inkastoo imika wasaaradda Xanaanadda Xooluhu ay gacanta ku hayso”ayuu yidhi agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka Somaliland.

C/naasir Axmed Xirsi, waxa kaloo uu sheegay in wasaaradu ay hadda gacanta ku hayso laba Seere-daaq-simeed, isla markaana ay ku dedaalayso sidii kuwa kale-na loo samayn lahaa.

Waxaanu yidhi, “Markaa qorshaha dawladda Somaliland iyo wasaaradda deegaanku, waa in Seereyaashii la soo celiyo. Xiliyadda roobka-na loo xidho xoolaha, xiliyadda abaarta-na lagu sii daayo.

Markaa Seere-xiliyeedyo-na way jiri doonaan, Seereyaal xidhan-na way jiri doonaa. Qorshahaasina wasaaradu gacanta ayay ku haysaa. Labadan Seere, ee aanu imika gacanta ku hayno, miisaaniyadda dawladda ayaa laga maal-gelinayaa”.

Geesta kale kuma koobna oo keliya soo celinta Seereyaasha iyo ilaalinta deegaanka qorsheyaasha ay wasaaradda deegaanku wax kaga qabanayso waajibaadyadeedda shaqo, balse waxa kaloo jira waxyaabo kale.

Kuwaasoo ay ka mid yihiin ilaalinta iyo daryeelka xayawaanadda duur-joogta ah oo qaarkood ay hadda ka sii dabar-go’ayaan deegaamadda Somaliland.

Xayawaanka Duur-joogta  ayaa u kala baxa Ugaadh iyo Dugaag, iyadoo ay jiraan  duur-joog iyo Ugaadh noocoodu aduunka naadir ku yahay  oo Somaliland oo keliya laga helo.

Kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Gun-buriga oo la aaminsan yahay in uu ka mid yahay xayawaanadda gaarka u ah dhulka  Somaliland.

Sidoo kale xayawaanka degaamadda Somaliland laga hello ee loo arko in ay aduunkaba guud ahaan ka sii dabar-go’ayaan waxaa ka mid ah Harima-cadka, kaasoo si sharci-darro ah looga ganacsado.

Sida uu sheegay agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka Somaliland, “Qaybo ka mida duur joogtaasi wadanka way ka dabar-go’een. Waxaana sababay deegaankii ama dabeecadii ay ku noolaayeen oo is-bedelay.

Waxa kaloo sababay dagaaladii iyo colaadihii kala danbeeyay ee dalka soo maray, ayaa keenay in ay ka haajiraan ama ka guuraan dhulka Somaliland duur joogtaasi.

Duur-joog badan oo weli dhulka Somaliland ku nool, oo imika qaarkood u muuqdaan in ay sii dabar-go’ayaan-na way jiraa. Kuwaasoo uu ka mid yahay xayawaanka loo yaqaano Harima-cadka”ayuu yidhi C/naasir Axmed Hirsi.

Hadaba muxuu yahay qorshaha wasaaradda deegaanka Somaliland ee ku aadan sidii xayawaanadaasi ka sii dabar-go’aya dalka loo ilaaliyo loona daryeeli lahaa.

Agaasime C/naasir, oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Wasaaradda deegaanku dedaal fara badan ayay ka gashay, ilaalinta, horumarinta iyo daryeelka duur-joogteena. Sharcigii duur-joogta  ayay soo saartay, oo goleyaasha sharci-dejintu ay ansixiyeen, oo lagu ilaaliyaa, lagu-na dhaqaa duur-joogta”.

Waxaanu intaas raaciyay, “Waxa kaloo jirta, dad fara badan oo si sharci-darro ah uga ganacsanayay duur-joogta, oo la soo qab-qabtay, maxkamadaha iyo sharciga ayaana la hor keenay. Xukuno kala duwan ayaana lagu fuliyay.

Waxa kaloo jirta xayawaanno kaloo duur-joog ah, oo dad si sharci-darro ah u haysteen, oo la soo qabtay, oo imika dawladdu gacanta ku hayso ayaa jira. Waxaana ka mid ah Harima-cadka, oo imika wasaaradu waxay haysaa 33 Harima-cad, intaa in le’egna way dhimatay.

Waxaanay dadkaasi u iibgeeyaan Harima-cadka, wadamadda Carabta, oo uu qiimo sare ku joogo”ayuu yidhi C/naasir.

Dhinaca kale agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka Somaliland ayaa ugu baaqay bulshadda in ay xukuumadda kala shaqeeyaan ilaalinta duur-joogta sharci-darrada lagu iibgaynayo.

Isagoona xusay in ay tallaabooyin ad-adag ka qaadi doonaan cid kastoo isku dayda in ay duur-joogta waxyeelayso ama ay ka ganacsato.

“Waxaan u sheegaynaa bulshadeena, duur-joogteena in aynu ilaashano, oo dadkaa sida sharci-darrada ah uga ganacsanaya in ay la socdaan.

Waana in ay hay’adaha dawladda iyo kuwa amaanka la soo socod siiyaan. Dawladu-na tallaabo ayay ka qaadaysaa, cidii sifo sharci-darro ah uga ganacsanaysa duur-joogta.

Tallaabooyin ad-adag ayaanu ka qaadi doonaa cid kastoo isku dayda in ay xayawaanka duur-joogta ah waxyeelayso.

Gaar ahaana xayawaanka loo yaqaano Harima-cadka”ayuu yidhi agaasimaha guud ee wasaaradda deeganka Somaliland.

 

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply