Xukuumadda Somaliland oo soo bandhigtay Raashin kayd ah oo ay soo saartay

0
535

Xukuumadda Somaliland, ayaa soo bandhigtay tobanaan Tan oo raashin ah oo ay soo saartay Hay’adda Kaydka Raashinka Qaranka iyo ka hortaga aafooyinka Dabeeciga ah.

Xubno kamida Golaha Wasiirrada, ayaa ka qaybgalay munaasibad ay hay’addu ku soo bandhigtay in ka badan kun Kiish oo Raashin ah oo ay beertay gugii la soo dhaafay iyo Raashin kale oo mucaawimo ah oo ay dawladda Sucuudigu soo gaadhsiisay.

Guddoomiyaha Hay’adda Kaydka Raashinka Qaranka Faysal Cali Sheikh, ayaa faahfaahin ka bixiyey raashinkan iyo tacabka lagu soo saaray.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

Leave a Reply