Calaamadaha ay Iska Shabbahaan Durayga iyo Cudurka Korona

0
1199

W/Q: Cali Cabdi Coomay

Wakhtiyadan ay cimiladu is-beddelayso ee uu sii baxayo jiilaalkii, gu’giina soo galayo, waxa caadiyan bulshooyinka ku dhaca duray ama hargab (Seasonal Flu). Hargaysa markaad bulshada wada eegto, goob kasta inta qof ee fadhida kala badh ama wax ka badan ayaa qufacaya ama hindhisaya waa duraygii xilligan dillaaci jiray. Iyada oo ay xaaladaasi taagan tahay ayuu cudurka Korona soo galay qaarada afrika.

Astaamaha Cudurka Korona

= Xumad xoogan

= Qufac qalalan

= Cuno xannuun

= Naqaska oo cidhiidhi noqda

= Naqaska oo kugu dhaga

Intuu dhulka ku noolaan karaa Fayriska Korona?

= Birta  naxaasta (Copper) wuxuu ku noolaa karaa afar saacadood

= looxaanta iyo waraqaaha wuxuu ku noolaan karaa 24 saacadood

= Caaga wuxuu ku noolaan karaa saddex cisho

= Hawada wuxuu ku noolaan karaa saddex saacadood, waa hawada uu kulaylkeedu ka hooseeyo 26 Degree Celsius

Astaamaha ay Wadaagaan Durayga iyo Korona

Xumada, madax xannuun, cuno xannuun iyo Qufac. Waxa aanay wadaagin oo Durayga u gaar ah waxa weeyi, hindhiso iyo duuf.

Waxa kale oo  ay ku kala duwan yihiin waa naqaska qofku xidhiidhiga ku noqona ama ku dhegaya. Korona wuxuu keenaa heer dhimasho oo aad xad lahayn, hasayeeshee Duraygu dhimasho ma keeno. Si gaar ah wuxuu cudurka Korona u bartilmaameedsanayaa dadka da’da ah iyo weliba dadka qaba cudurada, wadna xannuunka, sababo xannuunka iyo dadka macaanka leh.  Heer kulka qofka caafimaad qaba ee jidhkiisu waa 37 degree Celsius, haddii qofka uu heer kulka jidhkiisu gaadho 38 degree Celsius wuxuu leeyahay xumad.

Mar kasta oo qofka ay xumadi hayso jidhkiisa ayaa dagaal kula jira nooc xannuun ah, markaa haddii xumadii ay ka jabto isaga oo aan qaadan wax xumad jebiya ah, waxa ay ka dhigan tahay inuu jidhkiisii ka adkaaday cudurkii uu dagaalka kula jiray. Sida sare ku xusn wuxuu Fayriska Korona ku dhimanayaa kulayka ka sarreeya 26 ama 27 Degree Celsius, waxa dadka lagula talinayaa inay cadeeda isku dhigaan sidoo kale ay cabbaan biyo diiran. Waa inay ka fogaadaan cuntooyinka qabow oo cunto kasta dab la geliyaa.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan 

Calicoomay@gmail.com

Tixraacyo:

https://www.who.int/health-topics/coronavirus.

https://www.canada.ca/en/public-health/services/diseases/2019-novel-coronavirus-infection/symptoms.html.

https://www.latimes.com/california/story/2020-03-12/how-does-coronavirus-spread-and-how-do-you-get-it.

https://www.health.harvard.edu/diseases-and-conditions/coronavirus-resource-center

https://edition.cnn.com/2020/03/11/health/coronavirus-cold-allergies-flu-difference-symptoms-wellness-trnd/index.html

https://www.10news.com/news/local-news/cold-vs-flu-vs-coronavirus-symptoms

Leave a Reply