Feejignaanta Coronavirus: Imtixaanka Adag ee ay Waajahayaan Dadweynaha iyo Dowladda Somaliland

0
708

Faallo: Suxufi Maxamed Cumar Cabdi (Cirro)

Guddida heer qaran ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi u magacaabay U-diyaar-garowga iyo Ka-hor-tagga xannuunka Coronavirus-ku, waxa ay soo saareen go’aanno muhiim u ah bad-qabka iyo fayo-dhawrka bulshada Somaliland oo ay waajib tahay fulintoodu, si looga feejignaado cudurkan sida degdega ah ugu faafaya caalamka, kaasoo haleelay bulshooyinka ku dhaqan in ka badan 170 dal oo Adduunka ah.

Sida ku cad xogaha ugu dambeeyey ee soo baxaya wixii ka dambeeyey gabbal-dhicii habeennimadan Khamiista ah ee caawa ee taariikhdu tahay 18 March 2020, waxa uu xannuunkani asiibay dad tiradoodu dhan tahay 208,550 (laba boqol iyo siddeed kun, shan boqol, konton iyo) oo qof, waxaanna u dhintay 8,312 (siddeed kun, saddex boqol, laba iyo toban) ruux, iyadoo ay fayraska Covid-19 ka bogsadeen 83,230 (saddex iyo siddeetan kun, laba  boqol iyo soddon qof), taasoo ka dhigan in dadka uu xannuunkani ku dhacay ay 91% ka bogsadeen, halka ay u geeriyoodeen 9%, balse waxa iga xasuusin ah in dadka uu xannuunku ku dhacayo, kuwa u geeriyoonaya iyo inta ka bogsanaysaaba ay isbeddelayaan saacadba saacadda ka dambaysa ama uu isbeddelkaasi dhacayo maalinkasta dhawr jeer.

Haddaba, kadib markii xannuunkani soo gaadhay dalalka Geeska Afrika oo xad la wadaaga dalka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ay Guddida Heer Qaran ee Madaxweynuhu magacaabay shaaciyeen qodobbo lagu xakameeyey waxyaabo badan oo markii hore macaamilkoodu si caadi ah u socday, balse xaddidaadoodu ay imminka saamayn ku yeelanayso hab-nololeedkii maalinlaha ahaa ee bulshada Somaliland, sida waxbarashadii dalka, joojinta isu imaatinnada bulshada, sida shirarka, xafladaha, casuumadaha, aroosyada, isu imaatinnada ciyaaraha IWM ah, marfarshayada Qaadka, safarka aan muhiimka ahayn ee dadka, waxayna arrintaasi soconaysaa muddo afar toddobaad ah oo ka bilaabmaysa Khamiista ay taariikhdu tahay 19 March 2020.

Dhinaca kale, waxa go’aannada soo baxay ka mid ah in dhammaan xarumaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay, sida Cusbitaallada iyo Shaybaadhada iyo shaqaalaha ka hawlgalaba ay adeegsan doonto Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku marka ay u baahato, waxa la mamnuucay in dalka laga saaro dhammaan agabka caafimaadka iyo daawooyinka, iyadoo uu dalka Somaliland galay xaalad heegan iyo feejignaan buuxda ah.

Maadaama oo ay xaaladdu halkaas marayso, waxa dadweynaha iyo dowladda Somaliland u yaal imtixaan adag oo socon doona muddo 4 toddobaad ah, iyadoo lagu qiimayn doono sida ay uga dabbaashaan imtixaankaas adag iyo qaabka loo dhaqmo muddada lagu jiro xaaladdan degdeg ah ee lagaga feejignaanayo xannuunka Coronavirus.

Dadweynaha iyo dowladda Somaliland, waxa looga baahan yahay inay si masuuliyad iyo feejignaan dheeraad ah ku jirto loo dhaqan-geliyo qodobbada ay soo saareen Guddida Heer Qaran ee la xidhiidha xannuunkan Coronavirus (Covid-19), waanna ay madaxda dowladda iyo bulshaduba ka digtoonaadaan ficillada iyo hadallada keeni kara in khalkhal dhaqaale ku dhaco suuqyada ganacsiga magaalooyinka waaweyn ee dalka Somaliland, balse waxa durba soo muuqanaysa in hadallada ay jeedinayaan madaxda qaranka oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Muuse Biixi, ay saamayn togan ku reebeen iibka badeecadaha kala duwan, raashinka, agabka caafimaadka iyo degannaanshihii dadweynaha.

Madaxweynaha Somaliland, xubnaha Guddida Heer Qaran iyo masuuliyiin kala duwan ee ilaa hadda arrimahan ka hadlay, waxa ay ishaareen inay suurtogal tahay in bad-xidhan dhaco ama in hakad ku yimaado isu-socodka ganacsiga ee dalalka Adduunka, kadibna ay taasi keento in raashin la’aan ka dhacdo Somaliland, isla markaana hakad ku yimaado badeecadaha laga soo waarido dibadaha, waxayna taasi cabsi ku beertay qaybo badan oo bulshada ah oo u hawlgalay sidii ay u iibsan lahaayeen raashin iyo agab kayd u noqda. Waxa kaloo hadalladaas Madaxda qaranka si khaldan uga faa’iidaysanaya dadka ganacsatada ah oo si xawli ah sare ugu qaadaya qiimaha cuntooyinka, badeecadaha daruuriga ah iyo agabka caafimaadka, halka sidoo kale ay suurtogal tahay in dad aan tudhaale lahayn ay ganacsi macaash-doon ah raashin badan uga iibsadaan bakhaarada, kadibna ay isku dayaan inay kayd ahaan u dhigtaan, si ay hadhaw ugu iibiyaan qiimo qaali ah oo ay macaash badan ka helaan.

Haddaba, waxa aan u soo jeedinayaa Guddida Heer Qaran ee U-diyaar-garowga iyo Ka-hor-tagga xannuunka Coronavirus-ka inay indho gaar ah ku eegaan arrimahaas, lagana wada shaqeeyo sidii dib loogu soo celin lahaa kalsoonida laga lumiyey bulshada, maadaama ay dekedaha, madaarrada iyo xuduudaha dalka Somaliland wada furan yihiin, raashin la’aanina aanay dalka ka dhicin ilaa hadda, sidoo kalena ay dekedda Berbera si joogto ah ugu soo xidhanayaan maraakiibta iyo doonyaha sida badeecadaha kala duwan, xannuunkan Corona-virus-kuna aannu ilaa hadda wax saamayn ah ku yeelan dalkeena Somaliland, balse feejignaanta iyo taxaddirku ay muhiim inoo yihiin.

Waxa kaloo aan Guddidan Heer Qaran kula talin lahaa inay diyaarsadaan laba diwaan oo kala ah;

  1. Buugga liiska dahabiga ah (Golden list) oo lagu kaydiyo dadka sida fiican uga gudba imtixaankan adag ee soconaya muddada 4 toddobaad ah, una fuliya awaamiirta caafimaad ee la farayo iyo ganacsatada u naxariista bulshadooda ee aan macaash ka dhex raadin duruufaha ka dhashay xannuunkan Corona-virus-ka.

 

  1. Buugga madow (blacklist) oo lagu diwaangeliyo dadka isku daya inay si xun uga faa’iidaystaan awaamiirta la soo saaro, haddii ay yihiin ganacsatada qaaliyeeya badeecadaha iyo raashinka ay hayaan, si ay macaash ama faa’iido degdeg ah uga helaan xilligan lagu jiro xaaladaha adag, sidoo kale waa in diwaankan madow la geliyo dadka sida xun u isticmaalaha baraha bulshada (social media) ee faafiya waxyaabo been-abuur ah oo khuseeya Corona-virus (fake news), macluumaadyo marin-habaabin ah (misinformation), iyadoo xiligan Adduunka oo dhan uu tallaabooyin ka qaadayo cidkasta oo si xun u adeegsata baraha bulshada (Social Media), halka ay shirkadaha waaweyn ee facebook-gu ka mid yahayna ay iclaamiyeen inay si dhaw ula dagaalamayaan cidkasta oo macluumaadyo aan sax ahayn ku faafiya barahooda internet-ka.

Waxa aan rajaynayaa in ay imtixaankan ku guulaysan doonaan qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland oo ay ugu muhiimsan yihiin bahda caafimaadka, culimada, siyaasiyiinta, suxufiyiinta, sharci-yaqaannada, ganacsatada yaryar iyo kuwa waaweynba, shirkadaha isgaadhsiinta, ciidammada kala duwan dalka iyo bulshada kale ee rayidka ahba, iyadoo aan maanta la kala yeelanayn mucaarid iyo muxaafid midna, danteena guud iyo caafimaad-qabkeenana laga wada shaqaynayo, waxaanna loo baahan in dhinac looga soo wada jeedsado cidkasta oo ku hadasha ama la timaad ficil muujinaya khalkhalinta bulshada, faafinta been-abuurka iyo waxyeelada degannaansha dalka Somaliland, Ilaahayna sida khayrka leh ha ina wada faafajiyo.

 

By; Suxufi Maxamed Cumar Cabdi (Cirro), Hargeysa, Somaliland.

Leave a Reply