Dawladda Hoose Ee Burco Oo Soo Xidhay Xaafaddii Barokaceyaasha Ee Fadh-fadhiisay

0
542

Burco (Dawan): Dawladda hoose ee magaaladda Burco ayaa maanta rarrtay 800 oo qoys oo ka mid ahaa dadkii barokaceyaasha ahaa ee deganaa garoonka diyaaradaha magaaladda Burco.

Qoysaskani ayaa ka mid ahaa dadkii ay xoolahoodii kaga baxeen abaarrihii dalka soo maray dhawr sanadood ka hor. Waana qoysaskii ugu danbeeyay ee xeradaasi laga rarro.

Kuwaasoo dawladda hoose ee Burco ay u samaysay dib-u-dejin, isla markaana ay dejisay dhul ay iyagu leeyihiin oo laga jaray dhulka danta guud ah iyo dhul ay bixiyeen dad reer Burco ah.

Sideedan boqol ee qoys ee ay maanta rarrtay dawladda hoose ee Burco ayaa qayb ka ah in ka badan 300 oo qoys oo   bilihii la soo dhaafay laga rarray xaafadda loo yaqaano Fadh-fadhiisay ee garoonka diyaaradaha Burco.

“Maanta halkan waxaan ka rarraynaa intii ugu danbaysay, ilaa 800 oo qoys ayaanu imika rarraynaa.

Waxaanan qoysaskani u rarraynaa halkii aanu  kuwii hore u rarrnay” ayuu yidhi maayarka Burco Maxamed Yuusuf Muraad, oo hadal ka jeediyay halkii qoysaskaasi laga rarrayay.

Rarrista 800 oo qoys ma aha wax fudud waxaanay u baahan tahay kharash iyo gaadiid, dawladda hoose ee Burco-na ma awoodo dhaqaale helitaanka dhaqaale iyo gaadiid qoysaska sidaa u badan lagu rarro.

Waxaanay jiray dhinacyo kala duwan oo uu ka yimid dhaqaalaha iyo gaadiidka lagu rarray qoysaskani. Kuwaasoo kaga qayb qaatay lacag ahaan, gaadiid iyo bixinta shiidaal lagu isticmaalay gawaadhidii dadkaasi lagu rarray.

Maayarka magaaladda Burco Maxamed Yuusuf Muraad, ayaa u mahad celiyay cid kastoo gacan ka gaysatay hawsha rarrista qoysaskaasi.

Waxaanu yidhi, “Waxaan halkan mahad uga celinaynaa cid kastoo nagala qayb qaadatay iyo cidii dhulka na siisay, oo dhulka danta guud ah aanu ka jarnay.

Waxa kaloon u mahad celinaynaa cidii kharash iyo shiidaal kaga qayb qaadatay, oo ay ka mid yihiin qurbe-joog fara badan oo lacag soo diray iyo dad wadanka gudihiisa jooga oo shiidaalka maanta lagu rarrayo qoysaskani wax ku darsaday”.

“Waxa kaloon u mahad celinaynaa is-kaashatadda Bijaajleyda ee Horseed, oo iyagna  toban Foosto oo shiidaal ah ku deeqay. Waxa kaloo isna shiidaal ku deeqay xildhibaan Gaboobe.

Intaas iyo in kaloo badan-ba waan u mahad celinaynaa oo nagala qayb qaatay in aanu dadkan baahan u rarrno, dhulkii aanu u qoondaynay”ayuu yidhi maayarka Burco.

Geesta kale maayarka Burco ayaa ku wargeliyay hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ahba in wixii hadda ka danbeeya aanay jiri doonin qoysas loo ogol yahay in ay sii deganaadaan xaafaddaasi.

Maadaama oo 800-dan boqol ee ay maanta rarreen ay ugu danbeeyaan, isla markaana meeshaasi loo aqoonsaday garoonka diyaaradaha Burco.

“Waxaan ogaysiinaynaa dhamaanba hay’adaha maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ahba, xaafadii la odhan jiray Fadh-fadhiga in aanu soo xidhnay, oo 800-dan boqol, ee qoys ee aanu maanta ka rarraynaa ay ugu danbayso.

Iyadoo cid danbe oo halkan degan iyo cid danboo degta oo loo ogol yahay aanay jiri doonin, oo meeshaasi ay u banaan tahay garoonka diyaaradaha Burco”.

Dhinaca kale goobtii qoysaskaasi laga rarrayay waxaa joogay masuuliyiin ka socday hay’adda NRC, hay’adda arrimaha Qoxoontiga iyo barokaceyaasha Somaliland iyo xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka Burco.

Qoysaskani iyo kuwii ka horeeyay ayaa la dejiyay dhul ay iaygu leeyihiin oo dawladda hoose ee Burco ay uga jartay dhulka danta guud ah iyo dhul ay bixiyeen oo ay ku deeqeen dad reer Burco ah.

 

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply