Xukuumadda oo soo bandhigtay Raashin Kayd ah oo ay Beertay iyo Taakulo ka timi Sucuudiga

0
551

Hay’adda NEDFOR oo la wareegtay raashin loogu talogalay 30,000 Qoys iyo qorshaha dawladda…

Qore: Saleeban Cabdi Cali

Hargeysa(Dawan)-Xukuumadda Somaliland, ayaa soo bandhigtay tobanaan Ton oo raashin ah oo ay sanadkan beertay Hay’adda U-diyaar-garowga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka, kuna kaydisay Bakhaaro ku yaalla xarunta Hay’addaas ee magaalada Hargeysa.

Sidoo kale waxa ay isla maanta Xukuumaddu kala wareegtay raashin deeq ah hay’adda boqortooyada sucuudiga u qaabilsan mucaawimooyinka ee Boqor Salmaan Kings, kaasoo loogu talogalay 30,000 Qoys,sida ay sheegeen masuuliyiinta Hay’adda Nedfod oo si rasmi ah loogu wareejiyey munaasibad lagu qabtay magaalada Hargeysa.
Munaasibad lagu soo bandhigay raashinka uu beeray xafiiska Kaydka Raashinka Qaranka ee NEDFOR, isla markaana uu xafiiskaasi kula wareegay deeqda sucuudiga ka timi, ayaa waxa ka qaybgalay xubno kamida Golaha Wasiirrada, masuuliyiin ka socday Hay’adda Boqor Salmaan iyo masuuliyiinta Hay’adda ka hortaga aafooyinka iyo Kaydka raashinka.
Guddoomiyaha Hay’adda U-diyaar-garowga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka Faysal Cali Sheikh oo Xafladaasi ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey raashinka ay tacabka ku soo saartay hay’addiisu iyo qaybaha uu ka kooban yahay.
“Raashinkani waa raashinkii ay soo saartay Hay’adda Ka hortaga aafooyinka iyo Kaydka raashinka qaranka, annagoo u marayna nidaamka dawladdeed ee Beeraha Sanadkan waxaanu soo saarnay oo noo soo baxay kun iyo labaatan Kiish (1020 Kiish) oo midkiiba yahay Konton Killoo oo Hadhuudh,ayaanu sanadkan soo saarnay, sidoo kale waxaanu soo saarnay caleen aad iyo aad u tiro badan oo aanu ugu talogalnay in haddii dhibaato abaareed timaado aanu dadka u qaybino oo aanu u kaydinay.
Guddoomiyuhu waxa kale oo uu faahfaahin ka bixiyey raashinka mucaawimada ee ay dawladda sucuudigu ku wareejisay iyo qaabka loo maamulayo “howsha raashinkan wuxuu ka yimi dalab Hay’adda NEDFOR samaysay, oo aanu ka dalbanay Markiska Boqor salmaan oo aanu halkan ugu yeedhnay. waxa uu ka kooban yahay 30,000 qoys raashinkood oo loo qaybin doono gobolada oo dhan”.
Xubno kamida Golaha Wasiirrada oo xaflada iyaguna ka hadlay ayaa aad u soo dhaweeyey wax soosaarka Hay’adda Dawliga ah ee Nedfor, sidoo kalena waxa ay dawladda Sucuudiga uga cawil celiyeen mucaawimada ka timi.
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Xasan Cali Gaafaadhi, ayaa tilmaamay in talaabadani dhiiri-gelinayso in bulshada Somaliland ka maaranto cunto dibada looga keeno oo loo soo iib geeyo, isagoo xusay ahmiyada ay leedahay arrintani wakhtigan iyo mustaqbalka.
“Runtii waa arrin yihdidiilo leh talaabadaa ay hay’addu samaysay intii cid wax laga sugi lahaa in aynu wixii awooddeena ah tijaabino in aynu inagu wixii aynu cuni lahayn soo saarno, waana ta mustaqbalka ina sugaysa oo ay tahay haddii waxan iminka jira oo kale ay dhacaan oo bad xidhan dhaco in aynu helno waxa aynu leenahay. waxaana lagama maarmaan ah in umaddu u kacdo inay la soo baxdo wixii ay cuni lahayd”ayuu yidhi Wasiir Gaafaadhi.
Wasiirka arrimaha dibada iyo Iskaashiga caalamiga ah Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa dhankiisa sheegay “Hay’adda kaydka Raashinku waxa ay xaqiijisay ujeedooyinkii loo abuuray oo ay muddo badan oo ay jirtay aad moodaysay in ay ka gaabin jirtay ujeedooyinka laga lahaa iyo sababihii magac ahaan loogu bixiyey”.
Wasiir Faratoon waxa intaasi ku daray in dedaalka Hay’adda NEDFOR uu soo taray labadii sanadood ee u dambeeyey “laakiinse mudadii labada sannadood ee u dambeeyey waxa cadaatay in ay hay’addu muujisay sida loogu baahan yahay.”ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibada oo dhanka kale hadal mahad naq ah u jeediyey Dawladda Boqortooyada Sucuudiga.
Ku-xigeenka madaxa hay’adda Boqor Salmaan oo isaguna halkaasi ka jeediyey hadal ku taxaluqa deeqda ay soo gaadhsiiyeen Somaliland, ayaa sheegay in ay Dawladdiisu mucaawimadan kaga soo jawaabtay dalab ka yimi Xukuumadda Somaliland, kuna soo beegeen xilli uu caalamka halakeeyey welwel ka dhashay caabuqa Corona Virus.
Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta jidadka Cabdilaahi Abokor Cismaan, ayaa isna munaasibada ka sheegay in mucaawimada Dawladda Sucuudigu keentay timi wakhti loo baahnaa, taasoo uu ku xidhiidhiyey welwelka laga qabo in bad xidhan dhaco.

Leave a Reply