Joe Biden oo ku dhaw in uu noqdo musharaxa la loolami doona Madaxwayne Trump

0
477

Florida (Dawan)-Madaxwayne ku xigeenkii hore ee Mareykanka Joe Biden ayaa ku dhaw in uu noqdo musharaxa dhanka Dimoqoraadiga ee latartamaya madaxwaynaha dalkaasi Donadl Trump.

Saadaalintan ayaa timid kadib markii uu guulo muhiim ah ka gaaray doorashadii ugu danbeesay eek a dhacday gobolada Florida, Illinois iyo Arizona.

Gobolka Florida oo kamid ah gobolada ugu muhiimsan ayaa madaxwayne ku xigeenkii hore ee Mareykanka waxa uu ku guulaystay 59% halka musharaxa latartamayay ee Bernie Sandres’na uu  ka helay 23%.

Musharaxa dhanka dimoqoraadiga kasoobaxa ayaa bisha November ee sanadkan waxa uu latartami doonaa madaxwaynaha dhanka jamhuuriga ee talada haya ee Donald Trump.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply