Madaxweynaha Somaliland oo Ka Hadlay Dilal ka Dhacay Laascaanood

0
620

Hargeysa-(Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay laba dil oo Magaalada Laascanood ee Xarunta Gobolka Sool  loogu gaystay guddoomiyihii Maxkamada  iyo Taliyihii Sirdoonka ee gobolkaasi .

 

Madaxweynaha Somaliland ayaa ugu horayn ka tacsiyadeed ehelada , qaraabada iyo qaranka Somaliland ee labada masuul ka baxeen , waxaanu sheegay in dilalkaas ay gaysteen dad cadow ku ah jiritaanka qaranimada Somaliland oo si toos usoo weerari kari waayey ka dib markii ay ka baqeen cuduuda Ciidanka qaranka ee ku sugan xuduudaha dalka  .

“taliyihii ciidanka amniga iyo guddoomiyihii maxkamada ee Laascanood ayey cadowgu dileen, cadowgu maalinba meel ayuu kaaso galayaa , marka uu ka quusto inuu toos kusoo abaaro wuxu kugu dayayaa gaadmo iyo dhuumasho oo ka xun dagaalka fool ka foolka ah “ ayuu yidhi

 

 

Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in falalkaasi yihiin dagaal kusoo kordhay Somaliland oo ay waajib ku tahay Ciidan iyo shacab inay u diyaar garooba si ay u difaacaan sharafta dalkood iyo dadkooda  “marka qof gurigiisa ama masaajidka kasoo baxay xabad madaxa lagaga dhufanaayo waa fulaynimo , waana nin ka quustay in dagaal kaga hor yimaado waana dagaal inagusoo kordhay ee haloo diyaar garoobo , waxana la toognayaa kolba ninka haldoorka ah ee cadowgu ka qabo “

Leave a Reply