Waa Maxay Kaalinta Warbaahintu ka qaadan karto wacyigelinta bulshada ee Coronavirs?

0
1228

Hargeysa (Dawan)– Xanuunka Covid 19 oo maalinba ta xigta u faafaya si xawli ah, waxa la sheegay inuu gaadhay 158 dal oo adduunka ku kala yaalla isla markaana uu asiibay 184 kun oo qof, halka ay u dhinteen 7000 oo qof, iyadoo la weriyey in 80kun oo ruuxna ay ka bogsadeen fayraska Coronavirus.

ILAAHAY ha innaga badbaadiyee  xannuunkaasi kama jiro Jamhuuriyadda Somaliland, hase ahaatee waxa Xukuumaddu ay qaaday tallaabooyin lagaga hortagayo maadaama oo uu soo gaadhay dalalka aynu jaarka nahay, adduunyaduna ay tahay mid isku furan.

Xukuumadda Somaliland waxa hortagidda xannuunkan iyo wacyigelintiisa ay u xilsaartay Guddi heer Wasiir ah oo ka kooban shan xubnood, kuwaasi oo qaaday tallaabooyin wax ku ool ah oo qayb ka ah siyaasadda qaran ee xanuunkaas lagula tacaalayo.

Waxa ka mid ah in Khamiista beri la xidhayo dhammaan goobaha waxbarashada; sida dugsiyada dawladda, kuwa gaarka loo leeyahay, jaamacadaha iyo tartannada ciyaaraha.Waxa kaloo la xadidayaa  xafladaha iyo shirarka ay dadka badani iskugu yimaadaan.

Haddaba, waxa Saxaafadda Somaliland guud ahaan  la gudboon inay ku baraarugsanaadaan masuuliyadooda oo ay kaalintooda ka qaataan wacyigelinta bulshada lagu fahamsiinayo waxyaabaha looga hortago xannuunkan.

Waxa warbaahinta noocyadeeda kala duwan looga fadhiyaa  inay fuliyaan dalabka Guddida ka hortaga xanuunka Coronavirus ee heer qaran, gaar ahaan Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyigelinta Md. Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo Saxaafadda ugu baaqay inay masuuliyadooda ka soo baxaan oo ay kaalin waddanimo ka qaataan wacyigelinta bulshada lagu dareensiinayo halista xannuunkan aan dawada laheyn ee xakameyntiisu ka hortagga tahay.

Wasiirka Warfaafintu wuxuu  ku dardaaray warbaahinta in ay xogta xanuunkaas ka qaataan wasaaradda caafimaadka iyo guddida loo xilsaaray ka hortagiisa, si looga fogaado in la baahiyo xogo aan sugnayn oo jaho wareer ku ridi kara dadweynaha reer Somaliland ee dhegahoodu taagan yihiin dhiilada xannuunkan dartii.

Sidoo kale, waxa loo baahan yahay in Saxaafaddu u diyaar garowdo inay ummadda wacyigeliyaan isla markaana aanay sas ku abuurin, hase ahaatee ay mar walba wax weydiiyaan masuuliyiinta caafimaadka iyo Guddida qaabilsan xannuunkan,kuwaasi oo dedaal ugu jira inay bulshada si maalinle ah ula socodsiiyaan wixii farriimo ah ee loo baahan yahay.

Sidaas darteed, waxaan ku rajo weyn ahay in aanay Saxaafadda Somaliland ay noqon doonto mid xeerisa danaha guud isla markaana u adeegaya sidii bulshadoodu ay ugu noolaan lahaayeen caafimaad qab iyo nabadgelyo.

By: Faysal Maxamed Cabdi (Fadhfadhle)

Leave a Reply