Iran Oo Xabsiga Ka Sii Deynaysa Maxaabiis Tiro Badan.

0
433

Dahran (Dawan)- Hogaamiyaha sare ee dalka Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa cafis u fidinaya illaa iyo 10,000 oo ruux oo ay ku jiraan siyaasiyiin caan ah.

Dadkaan ayaana lasii deen doonaa sanadka cusub ee dalkaasi oo ku beegan jimcaha, sida lagasoo xigtay Tv’ga qaranka.

“Cafiska dadkan loo fidinayo ayaa ka dhigan in aysan markale kusoo laabaneen xabsiga, sida uu sheegay afhayeenka waaxda garsoorka dalkaasi.

Sidoo kale afhayeenka ayaa sheegay in Iran goorsii horeesayba ay sii daysay ku dhawaad 85,000 oo ruux oo xabsiyada ku jiray c bsi laga qabo caabuqa coronovirus.

Iran ayaana kamid ah dalalka uu sida wayn usaameeyay xanuunka Covid-19.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply