Gobollada Mandheera Iyo Wajeer Oo Mabnuucay Qaadkii Loo Iibgayn Jiray

0
485

Mandheera (Dawan)- Gobollada Mandheera iyo Wajeer ee Soomaalidu dagto ayaa si ku meelgaar ah u mamnuucay iibinta iyo gaadiidka Jaadka Miraa si looga hortago suurtagalnimada faafitaanka Caabuqa coronavirus (Covid-19).

Guddoomiyaha Wajeer Maxamed Cabdi ayaa ku dhawaaqay  Talaabadaan kadib go’aan la mid ah kii uu ka qaatay dhiggiisa Mandheera Cali Rooba uu sheegay in Jaadka laga si ku meelgaar ah looga Mamnuucay Mandheera.

Gudoomiye Cabdi wuxuu sheegay in go’aankaasi yahay mid looga hortagayo faafitaanka coronavirus kaas oo haatan khalkhal galiyay adduunka oo dhan.

Isaga oo suxufiyiinta kula hadlayay magaalada Wajeer, ayuu taliyayaasha Ciidanka Amaanka gobolka faray  in ay hubiyaan in mamnuucida Jaadka si loo dhaqan galiyo.

Ka dib ku dhawaaqida joojinta qaadka, ayuu Guddoomiye Roobo wuxuu sheegay in ka ganacsiga Qaadka loo yaqaan Miiraa uu qatar weyn ku yahay caafimaadka, sidoo kalana uu qayb ka qaadanayo faafitaanka Covid-19, sababta loo hakiyana in Maamulkiisu qaadayo talaabooyin Caafimaad oo laga hirgaliyo Mandheera.

Laakiin Mr Roobo ma uusan sheegin tilaabooyinka kale ee maamulkiisu qorsheynayo in uu ku talaabsado si loo xakameeyo faafitaanka cudurka coronavirus.

Gudoomiyaha Wajeer Maxamed Cabdi wuxuu sheegay in labada wadan ee xuduuda laleh gobolka ay horay usheegeen kiisas la xaqiijiyey oo ku saabsan cudurka ‘coronavirus’, sidaa darteed baahi loo qabo talaabooyin ka hortag oo dheeri ah.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply