Waddamada Aasiya Oo Wajahaya Mowjad Labaad Oo Cudurka Coronavirus Ah

0
438

Aasiya (Dawan)- Waddamada Kuuriyada Koonfureed, Shiinaha iyo Singapore ayaa ka mid ah waddamada qaaradda Aasiya ee wajahaya dhibaatada cudurka Coronavirus, kaa oo hadda noqday mid dadlalkaasi dibadda looga keeno.

Shiinaha oo cudurkaasi uu markii hore ka billowday ayaa maanta oo Khamiis ahi aan laga soo sheegin qof cusub oo uu cudurkaasi soo ritay, waana markii ugu horreysay tan iyo bishii Janaayo ee sanadkan oo ay arrintaa dhacdo.

Balse waxaa dalkaasi uu dhawaan cudurka ku soo ritay 34 qof oo dhawaan dalkaasi ku soo laabtay.

Kuuriyada Koonfureed ayaa waxaa haatan kordhay tirada dadka uu ku dhacaya cudurkani, waxaana ilaa maanta la xaqiijiyay 152, inkasta oo aan la ogayn tirada dadka cudurkan dibadda ka keenay.

74 ka mid ah dadkaasi uu cudurka soo ritay ayaa ku sugan isbitaal ku yaal magaalada Daegu.

Shalay oo Arabaca ahayd ayaa waddanka Singapore, waxaa cudurkaasi laga helay 47 qof oo 33 ka mid ah ay yihiin dad ka yimid dibadda, waxaana 47 qof ka mid ah 30 waddankaasi u dhalatay balse cudurka ka soo qaaday dibadda isla markaana dalkooga la yimid.

Dalka Shiinaha, siddeed qof ayaa cudurkani ugu dhintay gudaha gobolka Hubei, waxaana intooda badan ay ku dhinteen magaalada Wuhan.

Dhammaan waddamadani ayaa muujinayay in ay guulo ka gaareen xakamaynta cudurkani gudaha waddamadooda balse waxaa haatan jira walaac ah in dibadda looga soo dhoofiyo cudurkani.

Cudurkani Coronavirus ayaa hadda fara ba’an ku haya waddamada reer Yurub iyo Mareykanka balse marka la eego tirada dadka horka leh ee la il daran guud ahaan qaaradda Aasiya, ayaa ka dhigan in aan wali lagu guuleysan xakamayntiisa.

Sida lagu sheegay xog ay shaacisay Jaamacadda John Hopkins ee dalka Mareykanka, cudurkani ayaa guud ahaan caalamka ku dhacay 215,955 oo qof halka 8,749 ay u dhinteen.

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegaysa in 80% dadkani uu cudurkani ku soo ritay waddamada Yurub iyo qaybo badan oo ka tirsan qaaradda Aasiya.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply