Wararkii ugu dambeeyay ee xanuunka corona

0
448

Warbixin:Bangiga dhexe ee midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay barnaamij gunti giijis oo degdeg ah, kaas oo lagaga dalbanayo saameynta dhaqaale ee ka dhalatay xanuunka corona.

Bangiga ayaa sheegay in lacag dhan 820 bilyan oo dollar uu u qoondeeyay in dowladaha iyo shirkadaha Yurub ay amaahan karaan, gaar ahaan dalalka Talyaaniga iyo Greeka oo ah dalalka ugu badan ee uu sameeyay xanuunka Corona.

Barnaamijkan ayaa lagu dhawaaqay lix maalmood un kadib markii bangiga uu daaha ka rogay tallaabooyin guul-daresytay oo la doonayay in wax lagaga qabto saameynta dhaqaale ee ka dhalatay xanuunka Corona.

Sidoo kale suuqyda saamiyada ee caalamka ayaa hoos u dhac laga dareemay xilli ganacsatada adduunka ay ka walaacsan yihiin saameynta xanuunka.

Suuqyada Shanghai iyo Hong Kong ayaa hoos u dhacay boqolkiiba 3, halka suuqa kale ee Nikkei index ee dalka Japan na uu soo wariyay hoos u dhac dhanka ganacsiga.

Dalka Australia ayaa sidoo kale la sheegay in shirkadda duulimaadyada caalamiga ee Qantas ay ku dhawaaqday inay joojineyso dhammaan duulimaadyada caalamiga ee ay ku tagto dalalka adduunka marka la gaaro dhamaadka bishan.

Tallabaadan ayaa ka dambeysya kadib markii dowladda dalkaas ay sheegtay in loo baahan yahay in la joojiyo duulimaadyada shirkaddaas, si looga baaqsado xanuuno dalkaas uga yimaada dibadda.

Dalka Shiinha o ah halkii marki ugu horeysya lagu arkay xanuunka ayaa shergay in aanay diiwaangelinin wax kiis ah oo cudurka coronavirus ah markii ugu horraysay tan iyo markii cudurka safmarka ah uu ka bilowday magaalada Wuhan dabayaaqada sanadkii tagay.

34 kiis oo cusub ayaa la xaqiijiyay, hasayeeshee dadka cudurkaas lagu arkay ayaa ah kuwa ka yimaaday dibadda dalkaas. Xanuunka ayaa sidoo kale la sheegay in uu noqday mid u wanaagsan hawada.

Cilmibaarayaal u dhashay waddanka Mareykanka ayaa sheegay in hoos u dhac aad u ballaaran uu ku yimid wasakhaynta hawada iyo uumi baxa ka jira qeyba ka mid ah caalamka, xilli cudurka coronavirus uu waxyeeleeyay shaqada iyo socdaalka.

Waxa ay cilmibaarayaashu sheegeen in natiijooyinka ay muujinayaan heerarka wasakhda ay sii daayaan gawaarida, diyaaradaha iyo warshadaha in aad ay hoos ugu dhacday oo ay gaartay boqolkiiba 50.

Dalal badan ayaa wlai la tacaalaya wax ka qabashada xanuunka. Malaayiin qof oo u dhashay waddanka Brazil ayaa waxa ay muujiyeen sida ay uga caraysan yihiin qaabka uu madaxweyne dalkaas, Jair Bolsonaro ula tacaalayo dhibaatada coronavirus.

Xigasho: Bbc Somali

Leave a Reply