Daawo Wasaaradda Deegaanka Somaliland Oo Dedaal Ugu Jirta Soo Celinta Seereyaasha iyo Ilaalinta Duur-joogta

0
589

Hargaysa (Dawan) Dawladda Somaliland ayaa si weyn ugu hawlan sidii dib gacanta dawladda loogu soo celin lahaa dhul-daaqsimeedka Seereyaasha oo hore ay u maamuli jirtay dawladu.

Wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga Somaliland ayaana qaaday tallaabooyin lagu abuurayo Seereyaal-xiliyeed iyo Seereyaal kale si bulshadda xoolo dhaqatadda ah ay ugaga bad-baadaan xiliyadda abaarruhu dhacaan.

Dedaaladda iyo qorsheyaasha ay wasaaradda deegaanku ku doonayso soo celinta Seereyaasha waxaa imika ka hirgalay laba Seere oo laga maal-gelinayo miisaaniyadda dawladda.

Sida uu sheegay C/naasir Axmed Xirsi, agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga Somaliland oo waraysi dheer oo dhinacyo badan taabanaya uu la yeeshay wargeyska DAWAN.

Dhinaca kale agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka Somaliland ayaa ugu baaqay bulshadda in ay xukuumadda kala shaqeeyaan ilaalinta duur-joogta sharci-darrada lagu iibgaynayo.

Soo saare  Khadar Cabdi Muuse

Sawirka agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga mudane Cabdinaasir Axmed Xirs, Xuquuqda Sawirka Wargeyska Dawan

Halkan ka Daawo

Leave a Reply