Wasaaradda Isgaadhsiinta Iyo Technology-yada oo Ka Hadashay Boosaha Dalka.

0
1219

Hargeysa(Dawan)- Agaasimaha waaxda boosaha ee wasaaradda boosaha iyo isgaadhsiinta ee Somaliland Jaamac Muxumed Maxamed, ayaa ka warbixiyay adeega boosaha ee dalka.

Jaamac Muxumed Maxamed  agaasimaha waaxda boosaha ee wasarada Boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland oo u waramaayay wakaaladda wararka Somaliland SOLNA, ayaa sheegay in adeega boosaha ee Somaliland ay si rasmi ah u bilaabeen sannadkii 2018, kaas oo aan shaqayn ku dhawaad soddon sanno.

Agaasime Jaamac Muxumed wuxuu intaas ku daray in adeegga boosaha ee Somaliland uu si xidhiidh ah u shaqaynaayay labadii sanno ee u dambeeyay, iyadoo mudadaas ay ku socotay horumarin iyo casriyayn, wada sahaqayna ay la leeyihiin wasaaaradda boosaha  ee dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Ugu dambayn agaasimaha waaxda boosaha iyo is-gaadhsiinta ee 160 sanduuq oo lagaga shaqayd doono adeegyada boosaha, kuwaas oo qayb ka noqon doona kor u qaadida adeegga boosaha ee wasaaraddasi qaranka u hayso.

Leave a Reply