“Dhibanayaashi Jeel-ogaadeen Waa Inay Caddaalada Helaan” Madaxweynaha DDS Mustafe Muxumed Cumar + Sawiro

0
749

Jig-jiga (Dawan) Madaxweynaha DDS mudane Mustafe Muxumed Cumar, ayaa qaar ka mida Qaar ka mid ah dhibanayaashii jeel-ogaadeen ku marti qaaday isla goobtii lagu ciqaabi jiray ee jeel-ogaadeen.

Dhibanayaashii xabsigii ciqaabta ee Jeel-ogaadeen ayaa madaxweynaha u soo bandhigay duruufaha ku gadaaman noloshooda iyo wali sida ayna aanay uhelin caddaalad.

Waxaana marti-soorkani intii uu socday xooga lagu saarey saddex qodob oo kala ah
1. In dadkii tacadiyada ugaystay dhibanayaasha caddaalada la horgeeyo.
2. in dawladu ka kabi doonto dhanka dhaqaalaha, dhibanayaashii waxyeeladu ka soo gaadhay tacadiyadii loogu geystay Jeel-ogaadeen
3. Iyo dhanka caafimaadka wax looga qaban doono.

Madaxweyne Mustafe oo goobtaas kula hadlay dhibanayaasha, ayaa qiray in xukuumaddu ka gaabisay kaalintii ay ku lahayd daryeelka dhibanayaasha, balse waxa uu uballan qaaday inay xukuumaddu dhankasta ka taageeri doonto, haddii ay noqoto dhanka caafimaadka iyo in caddaalada la horkeeno dadkii tacadiyada ugaystay.
Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay inay wali sii jiraan dadkii dhibaatada gaystay oo sii wada dhibkii ay geysteen mid lamid ah.

madaxweyne mustafe muxumed cumar ayaa xusay in dhawaan la qaban doono kulan dhaqaale loogu ururinayo, dadkii tacadiyadu kasoo gaadheen jeel ogaadeen,oo jigjiga lagu qaban doono,islamarkaana uu kasoo qaybgali doonaan madaxda sare ee dalka iyo maalqabeenada dalka.

Dhinaca kale, madaxwaynaha ayaa goobtan ka sheegay in hogaaminta sare ee ururka ONLF aanay ogolayn in lala xisaabtamo danbiilayaashii tacadiga ugaystay dhibanayaashan, maadaama dadka ugu ee dhibaatooyinka arxan darada ahi ay soo gaadheen ay yihiin dad magacooda lagu dhibaateeyay.

Image may contain: 2 people, people standing and suitImage may contain: 1 personImage may contain: 1 personImage may contain: 4 peopleImage may contain: 11 people, people sittingImage may contain: sky, cloud and outdoorImage may contain: 6 people

Leave a Reply