Hindiya: Rag Gabadh Kufsaday oo La Daldalay

0
489

Delhi-(Dawan)-Afar Nin oo lagu helay inay kufsadeen kadibna dileen Gabadh ardayad ah magaaladda Delhi ee wadanka Hindiya Sannadkii 2012kii ayaa maanta lagu fuliyay xukun dil ah oo maxkamadi ku xukuntay.

 

Afartan  nin oo lagu kala magacaabo Akshay Thakur, Vinay Sharma, Pawan Gupta iyo Mukesh Singh ayaa maanta la daldalay.

Gabadha dhibanaha oo ahayd ardayad barata cilmiga Caafimaadka waxaa kufsaday oo gaadhsiiyay dhaawac ay markii dambe u dhimatay lix nin, raggan ayaa mid ka mid ah wuxuu isku dhex dilay xabsiga halka mid kalena uu ahaa 17 Jir laga sii daayay. xabsiga markii uu muddo saddex sanno ah lagu helay xabsiga caruurta madaama da’diisu yarayd xilliga uu faldambiyeedka galayay.

Afarta nin ee maanta la daldalay ayaa ku guuldaraystay rafcaan ay ka qaateen Xukunkooda oo ay ku dalbanayeen in xukunka dilka laga khafiifiyo oo loogu bedelo xabsi daa’in. Maxkamada Sare ee Hindiya ayaa dalabkaas diiday.

Kufsi wadareedka iyo dilka loo gaystay gabadha ayaa dhalisay kacdoon dadweyne oo lagaga dalbanayay dowladda inay wax ka qabato kufsiga iyo dilalka arxandarada ee loo gaysto Haweenka.

Leave a Reply