Saameynta uu Dhaqamada dunida ku yeeshay Cudurka Covid19

0
102

saddexdii bilood ee u dambeeyey waxa dunida oo dhan kaga qaylisiiyey caabuq cusub oo ku soo kordhay jeermisyada la isku yidhaahdo Corona Virus, kaasoo loo bixiyey COVID19.
Caabuqan oo si xawli ah ugu fiday caalamka intiisa badan, waxa uu shaqo culus u diray cilmi-baadheyaasha iyo dadka wax curiya ee dunida oo dhan, waxaana mudaraasadeyaasha iyo mufakiriintu goobayaan cilmi iyo caado xidhiidh la leh caabuqan si daawadiisa iyo difaaciisa loo helo.
cabsida iyo dareenka cudurkani wuxuu noqday masiibo qof kasta oo dunida ku uumani uu welwel ka qabo markii la yidhi cudurkan looma hayo daawo la siiyo qofka uu asiibo, hase ahaatee xalkiisu waa ka hortag iyo foojignaan.
Caabuqan Qaabka ugu haboon ee lagaga hortagi karo waxa laysla qaatay in ay tahay wacyi-gelin bulsho-weynta dunidu isgaadhsiiso. sidaasoo ay tahay haddana waxyaabaha cajiibka ah ee cudurkani caalamka ku soo kordhiyey waxa kamida in uu noqday dhibaato aan hiil iyo hoo midna aanay dunidu isugu gargaarayn iyo hab-dhaqankii xidhiidhka dadka xumeeyey.
Cudurkani hab-dhaqankii Umadda Muslimka ah wuxuu dhex dhigay shaki iyo tashuush, waxaanu lumiyey qaybo kamida qaababka caadooyinka iyo caqiidada ku dhisnaa ee ay dadku isu qaabili jireen, sida Salaantii gacmaha, wax wada cunkii dadka iyo waliba habkii loo oogi jiray cibaadooyinka jamaca ah, sida ka dhacday dalal badan oo dunida Islaamka kamida.
Geesta kale, Dadyowga aan muslimka ahayn waxa uu caabuqani ku khasbay in ay si aan caqiido Diineed ku salaysnayn ugu dhaqmaan talaabooyin uu alle ku waajibiyey addoomihiisa oo ay kamid yihiin maydhashada joogtada ah ee xubno kamida jidhka, sida gacmaha, sanka, iyo dhegaha oo ay mar walba biyo iyo walxo nadiifiyeyaal ah la daba joogaan, taasoo uga dhigan in ay sidii muslimiinta shan wakhti wayso qaataan.
Waxaana culimada Islaamku ku tilmaameen cashar uu illaahay SWT gaalada ku tusayo xaqa ay gees marsan yihiin, iyagoo tusaale ku bixinaya xidhiidhka ka dhexeeya dhaqanka islaamka iyo qaababka ay gaaladu ku baaqeen in looga badbaadi karo cudurkan amma laysaga xakameyn karo.
Dalalka qaar waxa laga soo sheegayaa in ay dad badan oo diimo kale haystay ay welwelka cudurkan dartii u Islaameen, taasoo iyadana laga baranayo cibro kale oo ku lamaan culuumta caabuqan caalamka caydhka dul-dhigay oo aan ku tilmaami karno cashar uu illaahay SWT kuwa xaqa diidday ku kala sifaynayo.
Haddaba, iyadoo xaalku sidaa yahay waxa dalkeena Somaliland lagu jiraa foogjinaan culus oo qaranku kaga gaashaamanayo cudurkaasi in uu ku soo faafo, waxaanaay culimada, Aqoonyahanka caafimaadka, Dhaqaalaha iyo waliba xirfadleyaasha kaleba ku foogan yihiin sidii ay ula wadaagi lahaayeen wixii ay aqoon iyo wax sheeg ku dhamaan bulshada.
Hase ahaatee, waxa wali la tebayaa doorkii Dhaqan-yaqaanka ee ka qayb-qaadashada wacyi-gelinta iyo abla-ablaynta cudurkan, taasoo ah mid lagama maarmaan u ah bulshadeena, maadaama aynu nahay dad xagga dhaqanka iyo suugaanta aad wax ugu fahma.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here