Tirada Dadka u Dhintay Coronavirus oo Toban Kun Gaadhay

0
602

Hargeysa-(Dawan)_Tirada dadka u dhintay caabuqa cudurka Coronavirus ayaa gaadhay 10,000 kun oo qof sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Hay’adda caafimaadka Adduunka ee WHO.

Cudurka ayaa ku faafay ilaa 160 wadan oo caalamka guud ahaan, waxaa uu ku dhacay dadka badan 240 kun oo qof oo u badan wadamada shiinaha, Iiraan, Talyaaniga iyo wadamo badan oo qaarada Yurub ah.

Dalka Talyaaniga, dadka u dhintay cudurka ayaa gaadhay 3400 qof, tiradaasi oo ka badan tirada dadka caabuqa ugu dhintay wadanka Shiinaha oo ahayd halka uu cudurka ka bilowday.

Tirada dadka uu cudurku ku laayay dalka Iiraan ayaa hadda gaadhay 1300 qof, halka dalka spain ay u dhinteen dad ka badan 800 qof.

Italy 3405

Chine 3248

Iran. 1300

Spain 831

France 372

USA 217

Uk 144

Reader Interactions

Leave a Reply