Duulimadka Shirkadda Ethiopian Airlines oo Hargeysa kusoo Wajahan

0
548

Hargeysa-(Dawan)-Duulimadka Shirkadda Ethiopian Airlines ayaa kusoo wajahan Magaalada Hargeysa Caasimada Jamhuuriyadda Somaliland , halkaasi oo ay ka qaadi doonto rakaab muddo laba cisho ugu xanibnaa .

 

Maareeyaha guud ee Shirkadda Ethiopian Airlines, Tewolde GebreMariam ayaa shir-jaraa’id oo uu Xalay Addis Ababa ku qabtay wuxuu ku sheegay in Shirkadda diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ay khasaartay boqol iyo sagaashan Milyan oo dollar xanuunka Coronavirus dartii.

Tewolde GebreMariam wuxuu sheegay in Shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya ay joojisay duulimaadka 30 Waddan, waxaana dalalkaa ka mid ah:- Baxrayn, Suudaan, Masar, Magaalooyinka Washington iyo Chicako, Jabuuti, Kuwait, Lubnaan iyo Dalal kale.

Waxa kale oo uu Maareeyuhu tilmaamay in dalal kale oo Yurub ah ay diyaaraddu qaadi doonto oo keliya Dadka muwaadininta ah ee u dhashay dalalka iyo Dadka haysta degannaanshiyaha rasmiga ah.

Leave a Reply